Ronaldinho, Zidane, Shearer, Gazza, Lahm, David Silva & Shax Laga Sameeyay Xiddigihii Uu Sir Alex Ferguson Ku Dhawaaday In Uu Man United Keeno.

Tababare Sir Alex Ferguson ayaa ciyaaraha ka fadhiistay isaga oo lagu qiimeeyo tababarayaasha ugu fiican taariikhda kubada cagta shaki la’aana ah tababaraha ugu fiican taariikhda premier League.

Tababaraha reer Scotland ayaa 13 horyaal oo premier League ah kula guulaystay Man United sidoo kale ku hogaamiyay 5 FA Cup iyo 2 champions League.

Tababaraha ayaa la soo shaqeeyay xiddigo badan oo ka mid ah kuwa ugu fiican taariikhda kubada cagta oo ay ku jiraan Cristiano Ronaldo, David Beckham, Paul Scholes, Gary Neville Iyo kuwo kale oo badan.

Laakiin Tababaraha ayaa ku fashilmay in uu la soo saxiixdo xiddigo badan oo taariikh ku leh kubada cagta kuwaas oo uu si aad ah u doonayay saxiixooda laakiin uu waayay.

Wargayska The Sun ayaa soo sameeyay shax cajiib ah oo ah xiddigihii uu Ferguson isku daay in uu la soo saxiixdo markii uu tababaraha u ahaa Man United.

Advertisements

 The best XI of players Ferguson narrowly missed out on

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR