Ronaldo Mise Messi? Da’yarka Real Madrid Ee Vinicius JR Oo La Weydiiyay Midka Uu Jeclaan Lahaa Inuu La Ciyaaro & Jawaab Lama Filaan Ah Oo Uu Bixiyay.


Da’yarka kooxda Real Madrid ee Vinicius Junior oo waraysi siinayay ‘FoxSports’ ayaa la weydiiyay inuu kala doorto xiddigaha ugu wacan dunida kubadda cagta ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi midkii uu jeclaan lahaa inuu la ciyaaro.

Da’yarkan oo aan labadaas xiddig midna garoon la gelin ayaa bixiyay jawaab gabi ahaanba ka baxsan labadaas xiddig isaga oo sheegay inuu dooran lahaa weeraryahanka kooxdiisa ee Karim Benzema oo isaga caawimo lasoo garab istaagay.

Tan iyo imaatinkiisii Santiago Bernabeu, Vinicius ayaa saaxiibtinimo garoonka dhexdiisa iyo banaankiisaba ah lasoo samaystay Benzema isaga oo talo macalinimo ka helayay markasta.

Intaa kaddib Vinicius ayaa amaanay kabtanka Barcelona ee Lionel Messi oo uu ku sifeeyay mid kamida kuwa ugu wanaagsan taariikhda kubadda cagta.

Da’yarkan oo su’aashaas ka jawaabaya ayaa yidhi “Way adagtahay, Anigu waligay lamaan ciyaarin midkoodna, Ma garanayo, Waligay midkoodna lama ciyaarin sidaas darteed ma garanayo, Waxaan dooran lahaa Benzema markasta wuu igu caawiyaa garoonka dhexdiisa”

Intaa kaddib Vinicius oo amaanaya Messi ayaa markale yidhi “Isagu waa mid cajiib ah, Qofkasta wuu ogyahay inuu yahay mid kamida kuwa ugu fiican taariikhda”

Ugu dambayntii Vinicius ayaa sheegay in kulamada ay kooxdiisu Barcelona la ciyaarayso ay kuwa kale uga duwan yihiin kahor intii uusan saxaafada u sheegin in Neymar uu yahay shaqsiga uu ku daydo.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR