Ronaldo oo durba boob ka billaabaya Real Madrid isagoo ka codsaday Juventus inay lasoo wareegaan xiddig muhiim ah!

Laacibka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa durba dareemaya xiisaha difaaca kooxda Real Madrid ee Marcelo kaasoo saaxiibbo dhow yihiin.

Is fahanka labadan xiddig ayaa dhaliyay mid ka mid ah xiriirrada saaxiibtinnimo ee ugu wanaagsan ciyaartoyda kubbada cagta.

Bianconeri saxiixeeda cusub ayaa Juventus kala hadlay inay isku dayaan lasoo saxiixashada difaaca reer Brazil si ay mar kale ugu midoobaan magaalada Turin.

Sport Mediast ayaa werrineysa in kabtan Portugal uu weydiistay madaxweynaha Juventus ee Andrea Agnelli inuu soo iibsado Marcelo, si uu dambeedka bidix kaga haqabtiro difaacdayaasha Scudetto.

Alex Sandro oo hadda heshiiska shakhsiga ah la galay kooxda Manchester United ayaa ay u badan tahay inuu xagaagan u dhaqaaqo horyaalka Premier League-ga, sidaas darteed naadiga reer Italy ayaa u baahan adeegga Marcelo.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR