RW Rooble oo Shaaciyay in La Guda Geli Doono Doorashada Dalka

MUQDISHO(HALBEEG)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir jaraa’id oo u uku qabtay magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay in Xukuumaddu ay go’aansatay in la guda galo hirgelinta doorashooyinka, si aan wakhti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa bulshada Soomaaliyeed la wadaagay go’aanka xukuumaddiisa eek u aaddan arrimaha doorashooyinka dalka

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay go’aansatay in la guda galo hirgelinta doorashooyinka si aan wakhti kale looga sii luminin shacabka Soomaaliyeed, lagana fogaado wax walba oo carqaladayn kara fulinta heshiiskii doorashooyinka ee lagu gaaray Muqdisho 17-kii September 2020-kii” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble

Mudane Rooble ayaa sheegay in dadaal badan ay xukuumaddiisu ku bixisay sidii loo xallin lahaa kala aragti duwanaashaha ku saabsan arrimaha doorashooyinka ee ay qabeen qaar kamid ah Dowlad Goboleedyada iyo siyaasiyiinta

“Waxaan marar badan ku celceliyay in ay albaabadaydu u furanyihiin cid walba oo tabasho qabta, diyaarna u ahay had iyo jeer in aan tixgeliyo aragtiyada kala duwan ee la xiriira fulinta heshiiskii doorashooyinka iyo habraacyadii lagu heshiiyay”

Hoggaamiyaha maamulka GalMudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo isna ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay in uusan wali wax jawaab ah ka helin maamullada Buntilaan iyo Jubbalaan oo uu sheegay in uu u kala dab-qaadayay iyaga iyo dowladda federaalka

“Waxaan rabaa in aan halkaan ka caddeeyo in wali aysan wax jawaab ah kasoo noqon saaxiibadayda Puntland iyo Jubaland dhexdhexaadintii aan halkan u imid iyo natiijadii wanaagsanayd iyo tanaasulkii ay ii muujiyeen Madaxda Qaranka” ayuu yiri Qoorqoor.

Ra’iisul wasaaraha ayaa markii uu shirkan jaraa’id qabanayay waxaa garbihiisa taagnaa hoggaamiyeyaasha maamullada GalMudug, HirShabeelle, Koofur Galbeed iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir.


Post Views:
25

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR