Saadaasha Khabiirka Sky Sports Ee Charlie Nicholas Ee Kulamada 24 aad Ee Premier League, Muxuu Ku Saadaaliyay Chelsea Vs Arsenal?


Advertisements


Kulamada 24 aad ee Premier League ayaa la ciyaari doonaa maalmaha talaadada, Arbacada iyo khamiista, waxaana la filayaa in xaamasada Premier league ay halkii ugu saraysay gaadhi doonto.

Khabiirka Sky Sports ee Charlie Nicholas ayaa saadaaliyay kulamada bartamaha isbuucaan la ciyaarayo ee horyaalka Premier League oo ay ku jirto kulanka adag ee London Derby ee u dhaxeeya kooxaha Chelsea iyo Arsenal.

Kooxaha Chelsea iyo Arsenal ayaa habeenka Talaadada ku balansan garoonka Stamford Bridge iyadoo kulankaan uu muhiim weyn u yahay tartanka booska kaalinta afaraad ee loogu soo baxayo Champions League.

Charlie Nicholas oo u soo ciyaaray Arsenal ayaa saadaaliyay in kulanka Blues iyo kooxdiisa hore ee Gunners uu ku dhamaan doono barbaro 2-2 ah.

Man City oo isbuucaan wajigabax la kulantay ayaa waxa ay habeenka Talaadada u safreysaa kooxda Sheffield United iyadoo Charlie Nicholas uu saadaaliyay in kooxda Pep Guardiola ay wadada guusha ku soo noqon doonaan isagoo u saadaaliyay guul 3-1 ah.

Man United habeenka Arbacada waxa ay soo dhaweyn doontaa Burnley iyagoo isbuucaan guuldarro kala kulmay kooxda hogaanka heysa ee Liverpool.

Charlie Nicholas ayaa saadaaliyay in madax xanuunka Red Devils uu sii socon doono islamarkaana ay barbaro 1-1 ah gurigooda kula geli doonaan kooxda Burnley.

Kooxda aan laga badinin xilli ciyaareedkan ee Liverpool waxay habeenka Khamiista u safri doontaa Wolves iyadoo Charlie Nicholas uu saadaaliyay in rikoodhkooda guuldarro la’aanta la jabin doono.

Wuxuu sheegay in Klopp uu isbedelo ku sameyn doono shaxdiisa taasina ay keeni doonto in Wolves ay 2-1 ku badiso oo ay noqoto kooxdii ugu horeysay ee garaacda Reds xilli ciyaareedkan.

SAADAASHA CHARLIE NICHOLAS

TALAADADAD

Aston Villa 2-2 Watford

Bournemouth 3-2 Brighton

Crystal Palace 1-1 Southampton

Everton 1-1 Newcastle

Sheffield United 1-3 Man City

Chelsea 2-2 Arsenal

ARBACADA

Leicester 1-1 West Ham

Tottenham 2-0 Norwich

Man United 1-1 Burnley

Advertisements


KHAMIISTA

Wolves 2-1 Liverpool

Advertisements


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR