Saakay oo jimcaha iyo wararka ka cusub suuqa kala iibsiga!

Kullanti wanaagsan aqristeyaasheenna qiimaha badan, waxaan idiin soo gudbineynaa saakay iyo sheekooyinka ka cusub suuqa kala iibsiga.

  • Eden Hazard ayaa xaqiijiyay inuusan bisha January suuqa kala iibsiga marka uu furmo ku biiri doonin Real Madrid.
  • Arsenal iyo Liverpool ayaa ugu cadcad saxiixa laacibka khadka dhexe Ajax uga ciyaara ee Hakim Ziyech, balse wakiilkiisa Rene van der Gijp ayaa sheegay inay wax waalli ah noqoneyso in Everton ay ku garaacdo kooxahan laacibka reer Morocco.
  • Tottenham Hotspur ayaa diyaar u ah inay Manchester United kula dagaallanto saxiixa difaaca Fiorentina ee Nikola Milenkovic, waxaana Serbian-kan beddel u noqonayaa Toby Alderweireld oo mugdi weyn ku jiro mustaqbalkiisa.
  • Cengiz Under oo hadda ah laacibka ugu mushaarka yar kooxda AS Roma ayaa qarka u saaran inuu kooxdiisa heshiis cusub u saxiixo iyadoo ay doonayaan kooxaha kala ah Bayern Munich, Manchester City iyo Arsena sida ay werrineyso Calcio Mercato.
  • AC Milan ayaa noqotay kooxdii ugu dambeysay ee lala xiriiriyo Aaron Ramsey, waxaana in Ivan Gazidis uu doonayo inuu markale la midoobo kubbad qaabeeyaha Arsenal iyo Wales.
  • Agaasimaha ciyaaraha Inter Milan ayaa meesha ka saaray macquul ahaanshaha ay bisha Janaury kula soo saxiixanayaan Luka Modric.
  • Everton ayaa lagu soo warramayaa inay dooneyso in Samir Nasri ay kusoo celiso horyaalka Premier League-ga xilli uu horay ugu soo ciyaaray Arsenal iyo Manchester City.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR