Saamaynta ay qabyaaladu ku yelatay horumarka Somaliland(WQ: Mukhtaar Cabdi Cilmi)

Ugu horayntii baal aynu sharaxno qabiil waxaa uu yahay si loo fahmo qabiil, qollo ama beel waa guuto dad ah oo uu ka dhexeeyo dan guud, heyb, magac, dhiig, isir iyo farac raac. Meelaha qaar ereyga “Qabiil” waxaa lagu micneeyaa in uu ka turjumaayo dad wadaaga dan guud, meel wada degan ama fikir iyo siyaasad ka mideeysan. Sida uu ALLE quraankisa inoogu sheegay  qabiilku inuu yahay mid la isku aqoonsadaan oo heyb iyo isir ahaan isku ogaadaan.

“.Hadaba qabyaalada oo somalidu guud ahaan ay tahay mid ku dhex leh xoog iyo awood badan soona taxnayd mudo qarniyaala oo jilba jiil ka dhaxlayay , sida lagu hayo taariikhda in somalidu ay qabyaalada iyo ku dhaqankeeda ay inoo kenen dadyawgii ku noola wadamadaii carabta oo qabyaalada aad ugu dhaqmi jiray caana ku ahaa dagaalada qabiilada iyo kala dhicida xoolo mood iyo nool wixii la hayo uguna caansanaa geela oo meel adag ka taagnaa sidoo kale somalida iyo dadka carabta oo dhaqaan  ahaan  aad isugu dhawaayen, kana dhaxeyey xidhiidhada ganacsi oo mudo dheer soo jiray kuna kulmi jireen magaalooyinkii xeebaha ku yaalay.

Sanadkii loo bixiyey gugii afrika ee xoriyadda kuna astaysanaa 1960 Somaliland waxay ka mid ahayd wadamadii iska kiciyey heeryadii gumaysiga, yeshayna dal iyo calan ay iyagu taladiisa iyo toosintiisaba wax laga waydiiyo, wakhtigana guud ahaan qarada madaw ee afrika waxaan kala sinayn horumar la,aantii iyo  dhibataadii gumaystaha mudada dheer haystay u gaystay.

Wadamadii qaarada afrika kuwada naalay waxay u jahaysteen hanaankii horumarka dalalkooda iyo dadkooda badanakooduna maanta waa kuwo gaadhay horumar la majiirto bulshada caalamkana ka helay hambalyo iyo taageero balaadhan oo u sahashay inay maalinba maalinta ka dambaysa ku talaabsadaan guulo waawayn, taas oo ay ugu wacan tahay joojinta qabyaalada iyo isnacaybka isirka ku dhisan ee bulshada ku wada nool wadamadaas taa badalkeedana ay qaateen saraynta sharciga ku dhaqankiisa, isjacayl walaaltinmo iyo dal jacayl ku dhisan hanaan wadaniyada

Dalkeena Somaliland wadamada aan kor ku soo xusay ee qaaradda Afrika aan kuwada naalo way inaga tiro badan yihiin,way inaga dhaqaale badan yihiin, waynaga qoomiyado badan yihiin, way inaga afaf badan yihiin ugu  dambayntii tirade diimaha ay haystaan way inaga badan yihiin balse inagama qabyaalad iyo qolo jacayl  badna aan tusaalo u soo qadano wadanka inoogu dhaw qadarada Africa kaas oo aan leenahay xidhiidh ganacsi iyo mid saaxiibtinimaba waana dalka Ethiopia oo aan tusaale u soo qadanayno horumarka dhinaca dhaqaalah iyo maamulka toosan heerka uu ka gaadhay tusaale cad oo aan ku dayan karnana inoo ah.

Tirade guud dadka dalka Ethiopia waxaa lagu qiyaasay 102,403,196
isu gaynta tirade wax soosarka guud ee dalka Ethiopia waxaa lagu qiyaasay sanadkii (GDP) $222.258 billion
dakhliga guud ee sanadkii soo gala qof qof uu yahay GDP Per capita $2360
cabirka heerka qaninmada dalka oo loo qaybiyay qof qof waxaa weyan GDP $910
waxaa lagaga hadlka Ethiopia 83 luqadood
tirade qabiilada kala duwan eek u nool dalka Ethiopia waaa 80 qoomiyadod

Sida aad ku aragtaan warbixintan dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia sida uu uga horumaray dhamaan kabayasha dhaqaalaha, horumarka dhinaca waxbarashada iyo maamul wanaaga taasna waxaa u suurto galiyey ku dhaqanka sharciga iyo ka tagida qabyaalada iyo qaraabo kiilka, inkastoo dalkeena Somaliland aanu haysan citiraaf buuxa oo uu ka helo beesha caalmak hadana way jiraan wadamo aan haysan citiraaf caalamiya oo intaaba qabsaday, balse dalkeena Somaliland waxaan ku waynay waxaas oo horumara dhibaatada qabyaalada iyo qaraabo kiilka, ku dhaqmida sharciga iyo hirgalinta hanaan leh maamul toosan oo sharcigu sareeyo

Somaliland waxaa laga hir galiyey hanaanka xisbiyada badan si looga baxo nidaamkii qabiilka ku dhisnaa ee lagu soo xuli jiray madaxda dalka loona guuro hanaanka hal qof iyo hal cod dalkuna u helo hogaamiyayaal laga doortay dhamaan dalka oo dhan, taasi waxay horumarisay hanaankii dimuquradiyada Somaliland ee habka doorashada, somaliland waxay ku heshay hambalyo iyo bogaadin balaadhan oo uga timi dhamaan bulshada caalmak iyo wadamada daneeya arimaha Somalailnd, lakin horumarkaa waxaa garab socday hanaan qabiilka lagu nolaynayay waxaa dalkeena ka qabsoomay ugu yaraan 6 shir beleed oo ay qabsadeen guud ahaan dadka ku abtirsada Somaliland kuwaas oo ka sinaa tayaynta iyo dhiiri galininta qabyaalada qayrkeen inaga reebtay dibna inoogu celisay hanaankii reernimo ee aan ka soo gudubnay wakhti hore.

Ugu dambayntii waxaan maqalkaygan ku so af –meeraya waynu aragnay faa,iidada qabyalada iyo sida ay uga rebtay dalkeena wadamadii la qayrka ahaa ee maanta aynu waxbarasho iyo caafimadba miciin bidno, dhalinyaradii aqoonyahanka ahaa ee waxbartay oo aad moodo qaar badani inay noqdeen dhuxushii qabiilka lagu shidayay iyagoo aqoontoodii ula kacay kala qaybinta iyo qoqobida dadka walalaha ah ee horumar la,aantu daashatay,waxaan ku soo gaba gabaynaya wedhii qiimaha badnayd ee AHN abwaan Cabdilahi Suldaan Timacade ee ahay (Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso Mooyaane)

WQ: Mukhtaar Cabdi Cilmi ( Xoogsade)

(MBA) Accounting and Finance, Mount Kenya University

mukhtarian.net@gmail.com 

00252-634241542

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR