Sababta loo heli la’yahay Caasimad dhexdhexaad ah iyo hogaamiye Lagu wada kalsoonyahay! (WQ: Xasan Cabdi Shire)

Gudaha Somaalida, Si’aan aragti kor ku xusan uga jawaabno, bal horta iswaydii dhammaan su’aalahan soo socda.

Sidey kuula egtahay sawirk ah,  haddii la soo bandhigi lahaa dadyoow cusub oo aan ahaayn dadka hadda ku nool dhulka, dadkaas oo ku noolaa meerayaasha kale ee addunka weligaa na aanad maqal,  laakiin kuu eg muuqaal ahaan, hadal ahaan  iyo qaab ahaan ba,  farqi uma dhexeeyo dhankasta oo laga eego, marka uguyartahay ka midab duwan, ka quruxbadan ama kaa foolxun, ka dhaqan duwan kana hab-mucaamil duwan iyo inaay ka naxariis ama nacabnimo badanyihiin.

Ma laga yaabaa, isnaankaas iyo insaanka koonkan ku nooli e innaga ah,  qolo kasta u qaadato in ay ka wanaagsanyihiin qolada kale sabab la’aan iyo baadhis la’aan midkood na, ka sharci fiicanyihiin ama ka naxariis badanyihiin dhanka Alle, sabab la’aan iyo caddayn la’aan, haddaanay jirin ba cid u sheegtay, mase laga yaabaa inaay sababtu tahay sidan ku ababeen loona sheegin weligood in ay jirraan ama jir-karto qof ka wanaagsan ama ka fiicnaan oo geyyigan saaran mid qarsoon iyo mid muuqda ba, aragtida ah noolaha kale na waa xayawaan iyo abuurkale oo aan ishoodu qaban? Maba lag yaabaa inaanad ku korin isbarbardhig noole kale iyo suurtogalnimada inuu wax qimeeyo wanaag iyo xumaan?.

Markale, gartay oo waaba dad baa laga yaabaa kuwaas aan kor kusoo xusnay,  laakiin siday ku gu noqon-lahayd haddii ay ka duwanyihiin cibaado iyo hab xidhiidh Alle labada ba,  oo isku hab aan loo marin cibaadada iyo tan noolaha kale ee ka yimi meerayaasha ama kuwa aanad arag ama u taqaanno xayawaanka, habka ay Rabbigood u caabudaan, ama kala duwanaanta dhaqanka iyo noocyada gudashada waajibaadka? Haddii dadkaas  aan soo sheegnay in ay meera kale ku noolyihiin aah dhici lahayd in la soo raro la na keeno koownkan, sow maaha qoladii laga soo qaaday meeraha kale ama kasoo guuray in ay dareemi lahayd dulmi ah in dhulkoodii laga keenay loo na keenay makhluuq ka liita dhaqan ahaan iyo qiimo ahaan labada ba, laftigooda qoladii loo keenay  soo ma dareemi lahayn in ay marti u timi berrito noqonaysaa ama socoto maalmo la joogaysa, mase is ku dayi lahaayeen taakulayn, ama in ay ka faa’iideeystaan cilmigooda iyo hab-dhaqankooda, ma se dareemi lahaayeen qolo kasta karaahiyo ayay ku noolaan lahayd muddada ay wada joogaan?

Ma filaysaa in ay dhalleecayn, yasid iyo ku digasho ayaa qolokasta afkooda saarnaan lahayd?  Mase laga yaabaa in qolona is-tiraahdeen abuurtan ciddii abuurtay ayaa leh halkan aad wada joogtaan iyo waxa aad cunaysaan waa idinku filanyahay ee tashiisha si wadajir ah, ma iman lahayd iswaydiinta ah qolona in ay  is-tiraahdo horta bal haloo fiirsado noolahan la midka ah ee la noolaa adduunka, laakiin waqtiga iyo cilmigu u saamixi waayay in ay kulmaan ka hor maanta, si loo gaadho iskaashi wixii lagu kala wanaagsanyahay? Waa Su’aalo u baahan jawaab.

Dhanka kale haddaan ka eegno, marka Quraanku Malaa’igta ka hadlayo waxa badanka dadka an waraystay maskaxdaada kusoo dhaca makhluuq kula misaal ah oo xoogaa kuu soo eg, laakiin taas waa ay ka duwantahay xaqaa’iqda jirta ee malaa’igta wa ka awood badantahay insaanka kana abuur duwantahay oo qaarkood ayaa 70 kun oo garab leh, sababta aad isugu dhererinaysaa ma iswaaydiisay in ay kugu jirto annaaniyad iyo inaad u haysato in waxkasta ugu wanaagsantahay adiga oo insaan ah iyo aragti la’aanta aanad arag wax adiga ku dhaafsan oo kaa qurux badan, mase laga yaabaa dhulkan iyo cimiladan kooban ee aad ku nooshahay in ay tahay halkii ugu wanaagsanayd iyo dhaqankaagu in uu yahay kan ugu wanaagsan inaad weli aaminsantahay. “Cilmiyada Annaaniya” Jawaabaha su’aalaha aan ku waydiiyay dhacadooyinkaas kor ku xusan ka dib, dhacdooyin yaab badan ayaad arkaysaa, miyaad la yaabtay hadalka ah inanka ee ah “annaga”  in badanna kugu soo noqnoqda, mise kan hogaamiyaha ee ah “Annaga ”?   Jaangooynta cabbirkaagu na yahay inaad isku miisaasho waxkasta iyo jaahatusaha ah intay aqoontaadu taagnaayd.

Sababtu na waa: Jawiga iyo cimiladan ama deegaankan ayaa dhammaanteen ku kornay kuna barbaarnay, waa isla goobtii roobku sannadkii laba jeer ayu da’aa, barwaaqo iyo abaar ayaan u dhaxeynaa, waa goobtan oo ahaan jirtay  beer ama doox aad xoolaha ku raaci jirtay oo kale, waxa ay ahayd ceel dadku isugu yimaaddaan ama meel bannaaan oo biyo la’aan baahsani ka jirto laga na guuro waqtiyada abaaraha,  Korriimaadkaagii habeen kumaad fikirin in ay dhacayso in aad arki doonto nolol tan ka duwan  oo la dhaho magaalo iyo reer magaalnnimo, sheeko kumaad maqal, ama  waxaanad ku fikirin ayaad arkaysaa waqti dambe maankaagii tolmoonaa ee garaadka badnaa isma waydiin, dhacdooyinka yaabka badan ee maanta rogmaya kuma ay jirin maskaxdaada kumayna soo dhcin,  kuma aadan fikirin, lagaaga ma sheekayn cid ka duwan dadka aad la joogtay, halmar na la guu ma taaban in ay jirto nolol tan ka duwan iyo hab nooc kale ah oo leh wanaag iyo xumaan labada ba, laakiin yaaba kuu sheegi lahaa? Qofkii ku sheegi lahaa kulama joogin maad na arag weligaa kuu kula joogayna ma jirin wax u macalin kaa ga noqonkaraayay, dad cusub iyo noole cusub na lagu ma soo waaridin oo kula wadaaga waxay soo arkeen, magaalo hadal ayay kugu ahayd iyo dad ba’ay, ismaad na oran maalin ayaad ku faani doonta.

Sidaad u kortay iyo habkaad u kortay waxa u ahaa nidaam dagaal iyo mid baahi nololeed ku salaysan, waxaad aragtay degaan la kala cashiimaysto, la iskala xigtaysto, waxaad aragtay iyadoo noloshuba tahay reer hebel oo reer hebel martiyay, dhacay ama dagaal dhexmaray, sidaas ayaa caado kuu noqotay oo waxaad baratay difaaca maalinta dagaalka, ka faa’iideysiga daganaanta xoolaha dadka kale iyo sida loogu nasto kob-daaqsimeed dadkale sheegtaan ama dooxo aad kusoo rogaal celisay, gabbal dhaca ka dib waqtiga cawayska  waxaad u baratay sheeko iyo murti la is-waydaarsado, maad arag warar la daawado iyo dhalooyin dhegta iyo afka la saaro ama casri adduunku warka ku helo daqiiqado iyo gorfayn saadaalin maalinlaha ah. Waxa aad taqaannaa inta qofka ee qooyskasta ka koobanyahay, inta ruux ee ragannimadu ku jirto iyo inta ay yihiin qabiillada idin la dirira, laakiin se maad arag tiro ka yar oo kaa tayo iyo qalab wanaagsan oo kaa adkaata (tababaran oo qalabaysan) iyo tirooyin badan oo nolol werwer la’aan ah ku nool.

Ragannimada waxaad ku cabirtaa afku-xooglaha iyo nin maato gumaaday, adeerkaa iyo abtigaa ayaa ahaa kuwa ugu qiimaha badan, kuwa ugu xigmadda badan kuwa ugu horreeya nolosha, halkan ayaad kua ragtay dhammaantood may jirin cid kaaga sheekaysay ama ku sheegtay in ay jiraan dadkale iyo qaybo kale oo bulsahda ka mid ah, waxaad ku cabirtay waxaad u taqaanno wanaag. Markhaantiga aad u haysataa xikmadaha tolkaa na wa kuwo bilaa markhaanti ah.

Deeqo iyo taageero hagar la’aan ah maad maqal, hab marti soorka iyo hab maamuuska waa kan aad adigu taqaanno, waxaad ka xishooto iyo waxaad ku dhacdaa ba waa intii degaankaaga ka jirtay iyo meeshii aad kusoo ababtay, qiimaha iyo qaddarinta waa intii aad taqaannay bulsho ahaan, wixii intaas ka baxsani waa arrimo aanad aqoon ama maba jiraan suuragalnimadoodu, ceeb ayaad ka dhigan kartaa ama wanaag hadba sida ay kugu anfici karto, mana jirto in aad.

Waxkasta oo la gaadho horumar iyo is bedel waxa ay ku yihiin khuraafaad, fasahaad iyo cilmiyo cidkale leeyihiin, laakiin muddo ka dib adiga ayaa ugu isticmaal badan ka dib markaad aragtay baahidii jirtay.

Dhaqan, garnaqsi, xeerbeeegti, xeelad nololeed, xigsasho iyo xikmadaha oo dhan waxa ay ku dhan yihiin halkan deegaankan iyo dhulkan reerkaaga dego, maba ogid in ay xitaa jiraan xeerka dugaagga, kan dadyowga kale ee agagaarka ku nool, maba odig in uu noole kaa fog 1000 KM ay jiraan, adduunku ba waa intan iyo bulshadan hal mar roobku wada qabto lana wada doogo marka habeenkaas cagta uu  marsho mahiigaan!

Dhuldaaqsimeed mararka qaarkood noqda omos iyo abaar ayaa kugu xardhan qalbi ahaan iyo deegaan ahaan ba, midabbo iyo sawirro ayaad duldhigtay adoon mustaqbal iyo horuamr midna ka lahayn, waqtiga hayaanka oodo dhacammo ayaad sii saaraysaa, sidaas na waad ka tegaysay adoo calaamad iyo jabad la deganyahay ku xardhay, waaba deegaan aad adigu lahayd oo kumannaan sano adiga iyo awoowgaa usoo dhiig shubteen, bankaas cidlada markaad ku dhimanaysay kaa ma ahayn mustaqbal, laakiin waxa ay kaa ahayd inaan reer hebel dhulka laga qaadin. “Aabayaashayo ayaan kasoo gaadhnay’’

Dhulkii anaa miyiga, tuuladii, dooxadii iyo ceelbiyoodkii,  dadkii iyo dhaqankii caynkaas ahaa ayaa iswada beddelay oo xoogaa korodh ah ku dhacay, magaalo wax la yiraahdo ayaa kaba dilaacaday dar ilaahay iyo duruufto keentay ama dhacay baahiyo magaalo oo wuxuun dhaliyeen, korodh dhanka wax kala iibsiga ah ayaad u noqatay halbawle ama socotada waddada ay maraan ay Alle ku gu beegay,  dad cusub ayaa aragtay iyo dhaqammo cusub, dadkale ayaa ku yimi, isbedel hadal, mid lebbis iyo mid aaminaad ayaa ku gu dhcaday, waxksata adigoo halkaagii fadhiya ayay iswada beddeleen, waxa ay noqdeen arrimo cusub iyo dood adag oo maskaxdaadii iswaydiinayso maxaad hore u arki wayday noloshan, dhanka saluug ayaa kugu jira waxa laga yaabaa inaan laguu xeerin sidii hore.

Wixii kugu cusub khurafaad ayay kugu noqdeen, wixii aanad hore u arag oo dad ah inaanay noolayn ayaad u qaadatay ama waaba dad cusub oo tayo liitaa. Tuuladii, dooxadii iyo ceelkii yaraa waxa u noqday magaalo, tuulo wayn ama degmo, weli reerkaaga degaan, waxa ay noqotay meel ballaadhan oo laysugu yimaaddo ama magaalo dhexdhexaad ah ama tuulo cammiran oo xoogaa guryo ah laga dhisay intaas midkood, dadkii lahaa deegaanka dhaqankoodii iyo hab nololeedkoodii ayaa weli jooga, sidii ayaa bulsho ahaan loo macaamilaa, qabkii iyo yasiddii noolaha kale wali waa ka buuxaa maankooda, dadka imanaya na waxa weli ku jirta mid la mid ah, qab xooggan ayaa dhankasta ka jira oo iswaafiqi la’a.

Dhaqankii ugaadhsatada iyo qudhaabatadu ka jiro meesha weli, ee aan caqli ahaan iyo maan ahaan isbeddelin, waxa loo bixiyay jabadadii xooluhu daaqi jireen ee lahaa magacyada kur barwaaqo, ceel-dararay IWM, hadda waxa loogu yeedhaa waxa aanad markale ku fikirin, laakiin waayuhu ku baray oo ah  Caasimad, gobol, degmo IWM dadka ka wada dhexeeya. Dhammaan magacyadan cusubi waa dooxadii reer hebel ama beertii hebel oo sidii loo soo waday noqotay meel barwaaqaysan, halka beertiisu isu beddeshay dhismayaal iyo baloodho la xaraashayo, dadkale oo dhego xidhan ayaa soo galeen  ka dib markii ‘’balag loo lulay’’

Mulkiilihii jabadkani, culays ayuu dareemayaa dhanka khayraadka, waayo weligiis muu arag mana maqal qofkan wadaagga laga dhexaysiiyay, kan soconaya na waa ba la soo raray oo waxkasta oo uu u baahnaa halkan ayaa lagu jeenyo xidhay dhinackasta iyo arrimo kasta, laguma  soo rarin xoog iyo koox-koox ama qabiil ee waxa halkan lagu jaangooyeey waxkasta oo noloshiisu u baahantahay sidaas na waxa khasab ku noqotay in uu naftiisa badbaadsho, sidii hore uu daaqa iyo biyaha ugu doonan jiray halka ugu dhow.

Odaygii dooxadan looga yaqaannay qoodh, qiime iyo qaddarinta lahaa waa noolyahay halkan ayuu ku suganyahay oo weli aan dhufaammin, waa libaaxii magaaladiisa jooga, saaxiibbadii cimaamadda iyo go’a u qaadi jiray  iyo xeerbeegtida weli waa ku hareeraysanyihiin odayga iyo deegaanka labada ba, baarbaarta  degaanku na weli isaga ayaa ay libaax u yaqaannaan, dadka kale na waa marti soo gashay iyo socoto markii doona ka tegi doona.

Yeelkadood intii aanay u cayilin halkii u degganaa ee aanay u naaxin dooxadiisii. Magacyadii uu ku yaqaannay tuuladiisa iyo degaankiisa waxa ay ahaayeen “Geesi, geesi dhalay iyo ruug-caddaa oday iyo IWM” hadda se waxa uu maqlayaa “ halyey, siyaasi, hoggaamiye qaran IWM). Waa is-qaban la’dahay isbedelka ku dhacay deegaanka, dhulkii iyo dhaqammadii laakiin aan ku dhicin maskaxda iyo hab-fikirka dadka oo weli ah kii hore oo xoogaa ku dhawaaqista iyo adeegsiga kelmadaha la yara beddelay.

Xeerka laga dhaqmaa waa kii dooxan ka jiri-jiray, haddii boob iyo xatooyo farsamaaysan oo loo yaqaan dhac geel, sidiisii ayaa isu rogay waxa uu noqday intaad mansab joogto waa inaad wax ka dhaqantaa haddii kale ragannimo ma jirto, kaaladii, kaalmadii iyo qaadhaankii tolku waxa isu-bedelay in xilalka, lacagta iyo meelaha yara qoyan lagu ladho ninka tolkaaga ah oo la naas-nuujiyo.  Dhaqanka kala sareeynta iyo kala mudnaantu waa halkiisi, waxa qaddarin iyo qiimo leh intii halkan dhaqanka loo ga yaqaan, qofka labbiska iyo heerka isla joogaa waa in uu waafaqaa xeerarka sannado badan halkan looga yaqaannay, xeerkaagu weli waa taagan, qiimo halkan kuma laha. Colnimo iyo nabaddu kuma dhalanayso dhaqankaaga iyo xeerintaada, laakiin waa inaad aqbashaa xeerarka halkaas ka jira.

Dulucudu waxa weeyaan,  in laysla fahmo in qofkasta ceelbiyoodkiisii joogo, weli libaaxii iyo halyaygii u ku dhaadanjiray  horjooge u yahay, dhaqanka xukunka iyo garnaqsigu waa kaagii oo biyo kama dhibcaan ah, xeerku waa kii ad adigu ku dhaqmi jirtay waagii ugaadhsiga ee waxkasta boobka ahaayeen, xeerbeegtu na waa mid aamminsan in aanay jirin xeerbeegti ka wanaagsan kaba garsoor badan una sawir eg sharciga qaash-maashka. Iswayddii, maxaa loogu heshiin waayay xeer wanaagsan, xeelad siyaasadeed iyo ruug-caddaa ama halyeeyo kala duwan oo bulshada wada metela.

Geb-gabadii, inta dhaqanka bahalo-galintu jiro waa  in qofkasta lagu ixtiraamo dooddiisa saami, siyaasadeed iyo meel metelaad ba, midna aan laga dhigin nin qaran mid na mid qabiil, marka madax dhaqameed qof amaano uu madaxwayne u yahay ayaa midkale oranayaa nin qaran noqo oo hogaamiyaha ammaan labada ba, laysma wayddiin yaa cadaynkara in uu hogamiyuhu weli ahayn Suldaan cid gaar ah iyo hoggaamiye kobtiisa ka maamul-samaynaya? marka tuulo yar qof amaano qofkale ayaa ku oranaya tuulooyinka soo dhaaf oo caasimadaha ammaan. Ma jirto, ma jiro xeer iyo qofaf dadka u wada siman, waxna hala wadaago, waxna hala kala wadaago. Haddana, magaalada iyo hogaamiyaha labada ba waxa faro ba’an ku haya korriimaadkii iyo deegaankii, Su’aasha ugu dambaysaa waxa weeyaan weli ma aragtay hogaamiye, ka cilmi duwan deegaanka iyo bulshadii ku barbaaray, hadday doonaan ha wanaagsanadeen ama ha xumaadeen ba?.

Waa billahi tawfiiq.

WQ: Xasan Cabdi Shire

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR