Saddexdee Ciyaartoy Ayaad Keeni Lahayd Manchester United? Halyeey Gary Neville Oo Su’aashan Ka Jawaabay & Saddexda Xiddig Ee Uu Xushay.


Halyeeyga kooxda Manchester United ee Gary Neville ayaa doortay saddexda ciyaartoy ee uu keeni lahaa kooxdiisii hore wakhti xaadirkan isagoo dookhiisa ku koobay saddex ciyaartoy oo dhammaantood hal wadan kasoo wada jeeda.

Man United ayaa suuqii dhawaa ku bixisay lacag dhan £150 Milyan iyadoo 80 Milyan oo kamid ahi ay ku baxeen daafaca ugu qaalisan taariikhda ee Harry Maguire halka ay sidoo kale safkeeda kusoo xoojisay Aaron Wan-Bissaka iyo Daniel James.

Haddaba, Neville ayaa aamisan in kaddib saddexdaas saxeexa ay tahay in kooxdiisu ay qorsheyso saxeexyada ciyaartoy kale oo tayo sarre leh xagaaga 2020.

Warbixin soo baxday shalay oo Isniin ahayd ayaa sheegaysay in tababare Ole Gunnar Solskjaer oo doonaya saxeexyo ciyaartoy da’yar uu haatanba haysto liis shan ciyaartoy oo Ingiriis ah oo uu doonayo inuu kooxda keeno.

Neville oo aragtidiisa ku dhiibtay su’aal barta Twitter-ka taalay ayaa qaba aragti ka duwan mida Solskjaer wwaxaana uu doortay in kooxda uu keeni lahaa saddexda xiddige ee ree France ee Raphael Varane, N’Golo Kante iyo Kylian Mbappe.

Varane ayaa mudo dheer bar-tilmaameed usoo ahaa United, Sidoo kale Kante ayaa wakhtiyada qaar lala xidhiidhinayay halka haddiiba ay u baahdaan Mbappe ay u baahan doonaan inay ka bixiyaan lacag rekoodhka suuqa ah.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR