Sadio Mane Oo Sameeyay Qirasho Ka Farxinaysa Taageerayaasha Liverpool

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa ka dhawaajiyay hadal si weyn uga farxiyay taageerayaasha kooxdiisa Liverpool kuna saabsan mustaqbalkiisa kooxda Liverpool.

Xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane ayaa kooxaha doonaya adeegiisa u sheegay in ay iska luminayaan wakhtigooda maadama uuna doonayn in uu isaga tago kooxda Liverpool.

Sadio Mane ayaa u hibaynta mustaqbalkiisa ku sheegay” Run ahaantii waan ku dhibaatoonayaa sida aan ugu faraxsanahay kooxda Liverpool”.

Mane ayaa ku guulaystay gool dhalinta premier League xilli ciyaareedkii hore waxana uu xiddig muhiim ah ka ahaa kooxda Jurgen Klopp kuwaas oo ku guulaystay artanka champions League.

Qaab ciyaareedka 27 jirkan ayaa keenay in uu xiiso ka helo kooxo ay a mid yihiin Real Madrid kuwaas oo doonaya adeegiisa si ay ugu xoojiyaan adeegiisa.

Real Madrid ayaa lala xidhiidhinayay kooxda Real Madrid xilli uu tababare Zidane doonayo in uu ku xoojiyo kooxdiisa Laakiin Mane ayaa sheegay in uuna ka fikirayn in uu isaga tago kooxda Liverpool diiradana saarayo in uu Liverpool kula guulaysto premier League.

“Hadii aan runta ka hadlo waan ku faraxsanahay in aan ka qayb ahaado qoyskan”.

“Waxa aan haysanaa taageerayaasha ugu fiican adduunka sidaas darteed aad ayaan ugu mahad celinayaa Taageerayaashiisa”.

“Aniga kaligay iima fiicna laakiin waxa ay dhiiri galin siinaysaa xiddigaha kooxda oo dhan”.

“Waxa ay taageerayaashu naga caawiyaan in aan sii fiicnaano, run ahaantii waan ku dhibaatoonayaa in aan qeexo sida aan ugu faraxsanahay halkan”.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR