Sannad-guurada 36aad Ee Hawlgalkii Badjeex: Furashadii Miiska Saraakiisha Hargeysa. Q.3aad (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Arooryo Salaasa ah, bishii Abril 12keedii, gu’gii 1983kii waxa ay dadweynaha Reer Hargeysa ku waabariisteen natiijada hawlgal si layaab ah uga fulay gudaha magaalada Hargeysa, habeennimadii Isniinta, 11kii Abril ee isla sannadkaa, kaddib markii Xaruntii Rugta Saraakiisha ee qaybtii xoogga badnayd ee 26aad lagala baxay Kornayl Cabdillaahi Askar Barkhad, oo ka mid ahaa hoggaamiyayaashii caanka ahaa ee ururka SNM oo wakhtigaa dagaal hubaysan oo faraha lagaga gubtay kula jiray Taliskii Siyaad Barre, iyadoo ay Ciidamadii Siyaad Barre ee Hargeysa fadhiyay gacanta ku dhigeen Cabdillaahi Askar, isagoo hawl-gal qarsoodi ah u yimid magaalada Hargeysa, kana soo galay fadhiisimadii Itoobiya ee ururka SNM.

Galabnimadii 11kii Abril, 1983kii, Col. Cabdillaahi Askar, wuxuu laba-dible ugu xidhnaa qol yar oo ku dhexyaal Xayndaabka Miiskii Saraakiisha Taliskii 26aad, waxaana ku xeernaa Ciidan xooggan oo ka tirsan Askartii 26aad, dhinaca kalena isla galabnimadaa waxa loo damaashaadayay Xuskii Maalinta Ciidankii la odhan jiray Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo sannad kasta loo dabaal-degi jiray 12ka Abril.

Sidaa darteed, galabnimadaa, Gen. Maxamed Xaashi Gaanni oo ahaa Taliyihii Qaybtii 26aad, ayaa xaflad ku waajahnayd 12ka Abril, ku qabtay Tiyaatarka Hargeysa, halkaas oo uu doonayay inuu dadweynaha horgeeyo Col CabdillaahiAskar, uguna bushaareeyo in gacanta lagu dhigay mid ka mid ah hoggaamiyayaashii ugu waaweynaa cadowgoodii SNM, isla markaana waxa qorshaysnayd in saacado kaddib Col. Askar loo duuliyo magaalada Muqdisho oo ahayd Xaruntii Taliskii Siyaad Barre, halkaana dhegta dhiigga loogu daro.

Maxaa nafhureyaasha SNM uga qorshaysnaa haddii la damco in Cabdillaahi Askar loo qaado Muqdisho. Aadan Maal waxa uu yidhi “Waxa fadeexad nagu ahayd in la qaado sarkaal ka tirsanaa SNM iyada oo ummadda la qaybinayo. Halka uu joogo mar walba waanu la soconnay, rag ayaana noo qaabbilsanaa. Haddii inta aannaan fulin hawlgalka la damco in loo qaado Muqdisho, waxa noo qorshaysnaa in aanu ku qaraxno, duqaynno oo aanu jidgooyo u galno baabuurka la saaro.

Magac-xumo ayay ahayd in la dhufto iyada oo aan lagu dagaallamin, cidina aanay ku dhiman, tallaabana aan la qaadin. Si aanu taariikh xumada uga hortagno oo ugu yaraan loo sheego in aanu ka dagaallannay, waxa aanu rabnay in aanu isku baabbano gawaadhiga madaarka geynaysa”

Maxaa Dhacay Intaan Cabdillaahi La Geynnin Tiyaatarka?
Hase yeeshee, saacad ka hor oo ku beegnayd 05:30kii markii Col. Cabdillaahi Askar la-geyn lahaa Tiyaatarka Hargeysa oo uu ku sugnaa Gen. Gaanni, ayay 11 nin oo uu horkacayo Col. Ibraahin Ismaaciil Maxamed (Koodbuur), xoog kagala baxeen Col. Cabdillaahi Askar qolkii uu ku xidhnaa, kaddib markii ay hawl-gal culus ugu badheedheen ilaaladii xoogganayd ee ilaalinaysay Col. Cabdillaahi Askar.

Duullaankaas oo ay ku ekeeyeen Rugtii Saraakiisha, halkaana ay albaabka ka jebiyeen, kaddibna tuurta ku qaateen Col. Cabdillaahi Askar, taas oo ay isaga oo bed-qaba saacado kaddib kala tallaabeen xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

Dhacdadaasi, waxay ahayd mid lama filaan ah oo saamayn kala duwan ku yeelatay ugu yaraan saddex dhinac oo kala ahaa; dadweynihii ku dhaqnaa magaalada Hargeysa, guud ahaanba dadweynihii ku dhaqnaa Gobolladii Waqooyi, ururkii SNM iyo ciidamadii Taliskii Siyaad Barre ee Hargeysa fadhiyay iyo guud ahaanba dawladdii Siyaad Barre.

Dhacdadaasi, waxay Ciidamadii Siyaad Barre ee Hargeysa fadhiyay iyo guud ahaanba Taliskiisii ku noqotay adhax-jab aan hore loo arag iyo dhirbaaxo kulul oo wejiga kaga dhacday. Dhinaca ururkii SNM-na, waxay uahayd guul aan hore loo arag, waxayna u soo jiidday sumcad weyn oo milateri iyo siyaasadeed intaba.

Sidoo kale, dadweynaha reer Hargeysa iyo guud ahaanba dadweynihii ku dhaqnaa Gobolladii Waqooyi, waxay dhacdadaasi mar u ahayd farxad weyn, marna waxay u ahayd naxdin weyn, waayo? Mar waxay ogaayeen ama u caddayd in guusha SNM ka gaadhay ciidamadii Siyaad Barre ee 26aad, iyaga loogu aari doono oo lagu samayn doono dil, xadhig iyo dhac. Marna, waxay ku faraxsanaayeen guushii la gaadhay.

Col. Cabdillaahi Askar, waxa laga qabtay goor habeennimo ah meel u dhow Sinimoogii hore Hargeysa, iyadoo isaga iyo Cabdisalaan Turki ay u yimaaddeen hawl-ciidan, waxaana muddo saddex habeen ah oo uu ku xidhnaa Taliska Qaybta 26aad loo geystay ciqaab jidh-dil ah oo aad u adag.

Hawlgalkaas Cabdillaahi lagula baxay waxa fuliyey 11 nin oo iska abaabulay gudaha magaalada Hargeysa, kuwaas oo mid mooyaane inta kale ay ka tirsanayd ciidankii Qaybtii 26aad, waxayna ku hawlgaleen laba baabuur oo Laanguruusallo“Landcruisers” ah, waxayna ku hubaysnaayeen boobayaal fudud.

11kaadagaalyahan waxa hawlgalkii kaga dhintay laba nin, waxaase maanta ifka kaga nool saddex nin. “Maalmo aad u adag ayay ahaayeen,” ayuu yidhi Cabdillaahi Askar oo khadka telefoonka laga warraystay isaga oo joogay magaalada Addis Ababa oo uu ka ahaa wakiilka Somaliland u fadhiya halkaas, intii aanu geeriyoonnin Eebbe godka ha u nuuro’e.

“Waxay ahayd naf u dhexaysa nolol iyo dhimasho. Hadday toojar (Jidh-dil) tahay, jidh-dilkii u xumaa baa la isoo mariyey dunida”. Cabdillaahi Askar oo la weydiiyay dareenkiisu sida uu ahaa waqtigaas uu dilka u xidhnaa, waxa uu yidhi:
“Haddaad i weydiisey dareenkaagu siduu ahaa. Runtii dareenkaygu wuxuu ahaa wax yaab leh, mabaanan filayn inaan intaa ku jirayo. Waxaan mar kasta is lahaa aaway raggii aad wada socoteen, xillimaad ka baxaysaa?”.

Cabdillaahi oo ka jawaabeyey sida ay isu waafaqayaan dareenkiisa iyo deldelaaddii uu u xidhnaa, waxa uu yidhi: “Abadan, Mar kasta waxay ila ahayd rag baa iga dambeeyey, niman waxaanu ahayn naftood-hurayaal ah oo soo diyaar garoobey, waxaan is-lahaa waar raggii xaggay ku hadheen?”.

Inta aynnaan guda-gelin hannaankii loo fuliyay weerarka Birjeex, waxa aynu dhanka kale jalleeci doonnaa Mujaahid Cabdillaahi Askar oo si faahfaahsan uga warramaya halkii lagu qabtay, ciddii uu xabsiga kula kulmay iyo wixii uu go’aansaday markii uu gacan-galay.

Waxa uu yidhi “Habeen Jimce ah ayaa la iga qabtay waddada kor uga baxda Sinimooga Hargeysa, had iyo jeer waxa ay dadku iska eedeeyaan nin Maxamed-buur la yidhaahdo oo aan qabashadayda wax lug ah ku lahayn. Maxamed isaga ayaaba khaati ka taagnaa ardayda dugsiyada oo maalin walba odhan jiray “ciidan i siiya”. Waxa iga tegay Ibraahin Koodbuur oo aan ku idhi “Waan kaa daba iman doonaaye, iska sii soco”

Kooxda isoo furan doontaa waxa ay daawanaysay oo habeenkaas noo xidhmayay filinno ku saabsan sida hawl-gallada (operations) loo sameeyo. Cismaan-Fatiik oo ahaa ku-xigeenkii Gaanni oo aanu isku takhasus ahayn ayaa ii yimi. Wuxu yidhi “Waar Askar, meesha ma iskaga tagaa?”. Waxa aan ku idhi “Cismaanow doqon baad tahay. Anigaa taas ha ii sheegin”. Wuxuu amray in quraac la ii keeno, waxa la socday Kooke. “Cismaan kookaha fur” ayaan idhi. “Adigu kabbo” ayaan haddana u raaciyay. Waanu kabbaday.

Goorsheegta ayaan eegay, markii uu shan mirir furnaa ayaan kabbaday, kaddibna isagii ayaan ku tufay. Waxa la i keenay Birjeex, markii aan maalin joogayna waxa yimi Gaanni. Hortayda waxa maraya Maal iyo Marxuun Malloosh oo marka dambe furashada ka qayb qaadan doona, markaana qaybta ka shaqaynaya. Cismaan-Fatiig intuu aayar iska biiyay kookihii ayuu dib u fadhiistay. Laba nin oo afar gu’ isku lod ahaa baanu nahay. Waxa aan ku idhi “Cismaan, maxaad yeeli?” “Waar ma iskaga tagaa” buu yidhi. “Doqon, taasi waa mid adiga kuu taalla” ayaan idhi.

Markii aanu halkaa maraynnay ayaa Mahdi Cali Faarax oo guutada kontonaad haystay. Waxa aan is idhi haddii aad sidaas kaga tagto imaka ayay odhan doonaan Mahdina wuu la shaqaynayay. Intaan sidaas u eegay ayaan candhuudeeyay oo aan caayay “Waayahay tuugyahaw”. Waxa aan is-leeyahay yaan dabadaa la qabannin oo aan meesha lagu dilin. Mahdi Cali Faarax waa uu afar iyo labaatan saacadood kaddib joogay Itoobiya, isaga oo SNM u tallaabay.

Jidhdilkii adduunka ugu xumaa ayaa la igu sameeyay. Dareennada waa la iga garaacay, ilkaha waa la iga garaacay, maqaarka waa la iga waxyeelleeyay, waxa la i jebiyay shan feedhood. Adduunka ma jiro qof jidhdil lagu sameeyo oo aan wax sheegini. Laakiin anigu wax kasta oo la igu sameeyo afkayga hal erey kama soo bixin.

Markii aan maalin ku jiray Birjeex ayuu Gaanni ii yimi. Waxa keliya ee afkayga ka soo baxayay waxa uu ahaa “Gaanni, in aan adiga ku dilo ayaan u socday. Waxa aan goostay in aan anigu dhinto, cidna aanan galaafan. Haddii aan erey ku dhawaaqi lahaana waxa dhiman lahaa inta ay kun ruux ugu yar yihiin. Taasi waxa ay i dhaxalsiisay in aan calool-adayg sameeyo”

Raadraac: Ilaha xigashada
1. “Xusuusta Maalmihii Qadhaadhaa” Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale.
2. Waraysi ay bahda Mareegta Farshaxan la yeesheen Mujaahid Cabdillaahi Askar IHUN
3. Waraysi uu Khadar Maxamed Cakulle la yeeshay Mujaahid Aadan Maal Caqli oo ka baxay Somaliland Space Channel (SLSC)
4. Xog-warran uu Cabdillaahi Askar ka jeediyay munaasibad taallo loogu dhisay Mujaahid Biixi Xaaji Xasan IHUN, sannadkii 2008da.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR