Sannad-guurada 36aad Ee Hawlgalkii Badjeex: Furashadii Miiska Saraakiisha Hargeysa. Q.4aad (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Qaybtan waxa aynu ku soo qaadan doonnaa xogwarranka dadkii Hargeysa joogay markuu hawlgalku dhacay iyo warbixin laga qoray Mujaahid Aadan Maal Caqli oo ka mid ah 11kii halgame ee weerarka fuliyay.

Ardaydii joogtay magaalada Hargeysa maalinta lala baxayo Cabdillaahi Askar waxa ka mid ahaa Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, isaga oo ka warramaya sidii dareenkoodu ahaa waxa uu yidhi “Maalintii Cabdilaahi Askar lagala baxay waan taagnaa Oo waxaan galabtaasi ciyaarta Tennista dhaadheer ku ciyaarayey Hargeisa club shacabka Oo miiskii saraakiishee lagala baxay aan ka fogeyn. Kolkaanu xabaddii maqalnay ayaanu derbiga Hargeisa club ku soo boodnay Oo ku soo dhawaanay wadaddii weyneyd. Xabaddii ayaa sii xoogeysatay intaanu beerka Dhulka dhignay ayaanu haddana waalidayadda doonanay bal inaanu ka warkeeno Halkay xabaddu ka dhacaysay. Ciyaal dugsiga sare dhigta ayaanu ahayn Oo aan fahansaneyn xanuunka xabbaddu leedahay. Maalintaasi yaab waxa lahaa dareenka dadka”

Jamal Ali Hussein oo faahfaahinaya qiimaha uu hawlgalkaasi lahaa ayaa yidhi “iyadoo dadkii ay madluun ku jiraan ayuu niyaddii dadka farxadda ugu weyneyd ay ahayd, weliba anagoo dhulka beerka ku haynna ayaanu sheedda ka sii halacsaneynay gawaadhidii lagula baxay Cabdilaahi Askar; raggii missionka waday waxa ka nool Aadan Maal, Cabdisalaan-Turki iyo Cabdi Carab. Koodbuur Oo aanan maalinta ka hor maqlin, wuxuu noqday geesigii mar qudha magaciisu cirka isku shareeray Oo meel walba looga duceeynaayey. Saddexda nin ee Lixle, Koodbuur iyo Dhegaweyne Saddex mission ayuu magacoodu ku qarxay marka laga reebo halgannaddii kale ee ay galeen. Lixle wuxuu aad caan ugu noqday Jeelkii Mandheera ee la jabsaday, Dhegaweyne buurtii Sheekh 1984 kii uu xidhay Siad Barre ciidankiisuna ka saari kari waayeen isagoo saraakiishii ugu waa weyneydna laayey. Koodbuurna missionkaa Cabdillahi Askar lagula baxay ee uu hogaaminaayey ayuu isaguna magaciisu ku qarxay. Sadexda mission Waa kuwa filmta laga matelo”

Aadan Maal Caqli oo ka mid ah saddexda dagaalyahan ee ka nool 11kii nin ee la baxay Cabdillaahi Askar , ayaa ka warramay sidii iyo qaabkii hawlgalku u dhacay, waxana uu ku bilaabay: “8dii bishii Abril, 1983kii ayaa meel sinimoogii hore ee Hargeysa waqooyi ka xigta saq dhexe Cabdillaahi Askar lagu qabtay. In Cabdillaahi la furtaa waxay ku dhalatay saaxiibbadii oo qaarkoodna halkan (Hargeysa) sii joogeen qaarna ay la socdeen”.

Aadan Maal oo hawlgalka iyo tabaabushahoodii si faahfaahsan uga warramay, waxa uu intaa ku daray oo sheegay in maalin maalmaha ka mid ah iyaga oo fadhiya guri u dhow Birjeex ay go’aansadeen inay fiidka la baxaan Cabdillaahi Askar, laakiin ay u suurtageli weydey. Waxa yaraaday tirada halgameyaasha hawlgalka fulin lahaa. Dharaartaasi waxa ay noqonaysaa 10kii Abril ama ayaantii ka horraysay cishada biimuhu fulayo.

Rag ayaa ka baaqday dagaalka, oo dib u baxay. Waxa darkaas maagay lagula dardaarmay in aanay cidna wax u sheegin Raggii aan dib-u-gurashada samaynnin ayaa ugu gooddiyay “Wallaahi haddii aad na fashilisaan, isku kiis ayaynu nahay. Isku ciqaabna waynnu maraynnaa”. Marka laga yimaaddo gaabsiga raggaas, waxa ay adkeeyeen sirtii furashada Birjeex.

“Abril 11keedii, annaga oo ka soo qadaynnay hudheel ku yaallay xaafaddii Iftin, ayaanu soo raacnay tagsiyo oo aanu nimid guri ku yaallay waageerka Xabsiga Dhexe ee Hargeysa oo jihada Waqooyi- Galbeed ka xiga. Waxa guriga lahaa Ismaaciil Sheekh Ibraahin Sheekh Muuse Ducaale. Waxa noo qorshaysnaa inaanu hawlgalka ku dhaqaaqno afarta galabnimo. Qolooyin ayaa naga habsaamay oo goor dambe noo yimi. Sidaas darteed ayaannu hawlgalkii dib ugu dhigannay shanta galabnimo,” ayuu yidhi Mujaahid Aadan Maal.

Sida ku cad warbixin uu qoray guddi talisku waqtigaas oo baadhaysey ciddii ku lug lahayd hawlgalka, Ismaaciil Sheekh Ibraahin Sheekh Muuse waxa ay guddidaasi kiiskiisa u gudbiyeen Maxkamaddii Badbaadada, waxana nidaamkii Siyaad Barre ku toogtey magaalada Hargeysa 1984kii, isaga oo kaga aargudanaya hawlgalkii SNM
ee Buuraha ee sannadkaas qabsoomay.

Alle ha u naxariistee, Ismaaciil waxa la sheegay inuu xabbado baastoolad ah ridey kaddib markii Cabdillaahi Askar lala baxay. Waxa uu ka mid ahaa ganacsatadii sida weyn u taageertay hawlgalka, waxayna dad kale oo xogogaal ahi sheegeen in rasaastaa uu ridey ay ahayd yool habaabin.

Aadan Maal isaga oo sii wada sheekadaas waxa uu sheegay in haddana ay suurtagal noqon weydey inay shantii galabnimo hawlgalaan, sababta oo ah waxa is-beddeli jirey laba gaadh oo midkiiba yahay 22 askari, taas oo ka dhigeysey tirada markaas meesha ku sugan 44 askari, sidaas darteed, waxay goosteen in ay iska sugaan inta labada gaadh kala hagaagayaan si ay 22 askari uu ugu beegmaan.

Isagoo halkaa ka sii ambaqaadaya wuxuu yidhi Aadan Maal “Gurigii Jeelka dabadiisa ku yaalley ayaannu ka dhaqaaqnay. Dugsiga Sheekh Baraawe galbeedkiisa ayaannu kaga soo dhacnay waddada (Laamiga xabsiga hor mara). Waa 5tii iyo 25 miridh. Ku-talagalku wuxuu ahaa inaanu marno waddada dhakhtarka ka dambaysa, oo aanu ka soo laabno Sheekh Ibraahin Biliso halkii uu ku jiri jirey, kaddibna aanu hor marno xerada Turubataariyada oo sidaa miiska Saraakiisha ku tagno”

Is-beddel ayaa ku yimi jidkaas ay mari lahaayeen, waa kan Aadan Maal oo sharxaya caqabaddii timi iyo sidii ay isugu qaybiyeen tirada dadka kala saaran labada gaadhi
“Waxaannu u isu qaybinnay laba kooxood oo midna afar tahay midna siddeed. Waxa labada baabuur hor gelayey gaadhiga siddeeddu saarnaayeen oo aan anigu ku jirey. Markii aanu Ibraahin Biliso meel u dhow maraynnay ayaannu ogaannay in baabuurkii afarta nin saarnaayeen naga hadhay.

Halkii ayaannu ka soo noqonnay. Annaga oo maraynna meel aan ka fogeyn Xafiiskii nabadsugidda ee hore oo ah halka iminka ay Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurku ku jirto, ayaanu aragnay baabuurkii oo taagan meel aan ka fogeyn guriga Edna Aadan ee cusbitaalka guud ka dambeeya.

Dib baanu ugu soo noqonnay, waanu riixney arday meesha maraysayna waa ay nala riixday. Balse waanu kari weyney. Baabuurkii kale ayaanu ku jugeyney. Kii oo hashkadaynaya ayuu dhaqaaqay. Waddadii hore dabadeed, waanu ka leexannay oo waxaanu marnay tan madaxtooyada hor marta. Intii aanu baabuurka riixaynnay ayaa afartii saarnaa ee ku qornaa mid naga dhuuntay oo iska tegey.

Markii uu baabuurkii oo hashkadaynayaa noo kacay ayaannu isagii nidhi na hor soco si aanu u ogaanno inuu is-taagay iyo in kale. Markii aanu gaadhney geerashka Ina Abu-Site ayaannu baabuurkii saddexdu saarnaayeen dhaafnay oo hor galnay. Waxa aanu ku nidhi soo soco oo hawshaadii qabso. Waajibkoodu waxa uu ahaa inay albaabka shishe ee miiska ee galbeedka xiga ay istaagaan oo ay gaadhka halkaa jooga naga
khaarajiyaan. Annaga oo siddeed ahaynna waxay hawshayadu ahayd in aanu albaabka soke ee bariga soo xiga ka galno oo gaadhka gudaha ku jira kala calaf-qaadno.”

Halkan la joogaa ee lagu kala baxayaa waa miiska hortiisii. Waa halkii Cabdillaahi Askar ku xidhnaa. Kaddib sidee ayay u hawshii u dhacday. Aadan Maal isaga oo taas ka jawaabaya wuxuu yidhi: “Waxa direyskii Ciidanka lebbisnaa Ibraahin Koodbuur iyo Ibraahin Carab oo aan derejo sidan. Ballantayadu waxa ay ahayd marka uu Ibraahin Koodbuur gaadhka ku yidhaahdo: ‘Waa Gaashaanle Ibraahin Koodbuur’, haddii ay “socda” yidhaahdaan-na in aanu nabad ku galno.

Haddii ay yidhaahdaan: ‘Nimankan dusha saarani waa maxay?’ ama ay af-soomaali kale ku hadlaanna, uu baabuurku iska socda annaguna inta gaadhka ah ee halkaa taagan khaarajinno; baabuurkuna xawli dheer ku dhaqaaqo si uu u tiigsado gurigii Cabdillaahi Askar ku xidhnaa.”

Sidii la filayey markii Ibraahin Koodbuur isu sheegay ayay gaadhkii ku yidhaahdeen ‘soco’, colkina wuxuu ku guuleystey inuu si nabad ah ku galo miiska. Hase yeeshee, haddii ay jiiradii labaad ka laabteen ayaa gaadhkii xeradu ka shakiyeen. Halkaa gooladda ah ee labaadna gaadh kale ayaa joogay oo maxaabiis kale ilaalinayey. Kuwii na degdeg ayaanu u dhaafnay oo gaadhkaasi saraakiil meesha ku xidhnayd ayay ilaalinayeen. Waannu iska dhaafnay.

Waxa aanu tagnay gurigii uu ku xidhnaa Cabdillaahi Askar oo albaabka kale ee laga baxo u dhowaa. Halkaa waxa ku sugnaa baabuurkii kale ee saddexdu saarnaayeen. Sidii ballantu ahayd waxay ku qaybayeen gaadhka halkaa jooga, si aanu anagu uga baxno annaga oo bed-qabna marka aanu hawshayada gudanno”.

Markii ay gudaha u gudbeen, maxaa ay la kulmeen? Sidee ayay ka yeeleen ciidankii halkaas joogay?. Aadan Maal waxa uu yidhi “Haddaba, markaannu gudihii galnay, waxa nala kulmay Ciidan laba gaadh ah oo meesha fadhiyey. Baabuur yar oo Jiib ah oo qori saarnaana xagga midigta ayuu ka xigey, Jiib kalena waa uu ka dambeeyey. Laakiin Jiibka hore waxa uu soo xigay xagga guriga, intii saarnaydna meesha ayay iska taagtaagnaayeen, nasiib-wanaag qoryahoodii ma ay haysan oo baabuurta ayay ka saarnaayeen.
…….

Raadraac: Ilaha xigashada
1. “Xusuusta Maalmihii Qadhaadhaa” Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale.

La soco qaybta shanaad haddii Alle idmo.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR