Sannad-guurada 36aad Ee Hawlgalkii Badjeex: Furashadii Miiska Saraakiisha Hargeysa. Q.5aad (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Qormadan shanaad, waxa weli inoo sii socda xog-warrankii uu furashada miiska saraakiisha ka bixiyay Mujaahid Aadan Maal Caqli. Waxa si buuxda isu waafaqaya warbixinta Aadan Maal + Waraysiyo ay bixiyeen Mujaahid Cabdisalaan Turki iyo Mujaahid Cabdiraxmaan Ciid Faarax (Cabdi Ciid) oo ah saddexda halgame ee ka nool 11kii geesi ee fuliyay weerarka Miiska Saraakiisha Hargeysa.

Waa tan qormadii 5aad:

Xabbadda annaga ayaa ku bilownay oo ku hor furnay. Socodkii dheeraa ee baabuurka iyaga oo ka shakiyey ayay istaageen iyada oo qaarkood qoryahoodii haystaan. Iyaga oo taagan ayaannu baabuurka dheegga ugu qabannay, isla markiibana xabbadda ayaannu ku bilawnay annagoo baabuurkii aan kaba degin, boodisna waanu ku darnay. Markaa aanu ku soo boodnay nimankan qoryahayagaaba is-gaadhayey”

Judhiiba gacanta sare ayay heleen, waxaanay ku guulaysteen in ay tirtiraan raggii ciidanka ahaa ee gudaha ku sugnaa. Mid ayaa se u dhuuntay oo galaaftay laba nin. Sidee ayay kaas ku dareemeen, sidee se loo qudh-gooyay?. Halgamaagu waxa uu yidhi “Nimankii gaadhka ahaa nin ka mid ayaa markiiba beerka dhigay meel dhir leh oo xas dhexdii ah kaasoo aanu moodaynnay inuu dhaawacan yahay oo xabbadi ku dhacday. Ninkaasaa naga diley Alle ha u Naxariistee Biixi Xaaji Xasan, isla markaana xabbado nagaga dhuftay baabuurkii. Ninkaa mooyaane intii kale ee gaadhka ahayd hal nin oo kale ayaa xabbado ridey kaasoo ka mid ahaa kuwii albaabka taagnaa”

“Ninkaas ayaa dhibaato noo geystey,” ayuu yidhi Aadan Maal. Waa uu sii waday isaga oo ka warramaya siday hawshooda u sii wateen:

“Siddeeddayadii gudaha galay hawshu waa ay noo kala qaybsanayd. Ibraahin Koodbuur iyo Cabdisalaan Turki xilkoodu waxa uu ahaa in ay Cabdillaahi Askar qufulka ka jebiyaan oo ay soo qaadaan, waayo waxa na loo sheegay inuu lugaha iyo gacmahaba ka xidhan yahay. Darawalkuna baabuurka ayuu ka masuul ahaa oo aanay ahayn inuu ka dego, haddii uu ka dego oo uu hawlgalo-na in aanu ka fogaan dhakhsona ugu soo noqdo ayaa loo qoondeeyay.

Waxa aanu ku soo hadhnay shan Mujaahid. Annagana hawshayadu waxa ay ahayd khaarajinta gaadhka iyo ilaalinta Ibraahin Koodbuur, Cabdisalaan Turki iyo Cabdillaahi Askar. Shantayadii dagaallamaysey markiiba laba ayay ku dhacday, kuwaas oo ahaa Biixi Xaaji Xasan iyo Siciid. Waxa aanu ku soo hadhnay saddex”

Aadan Maal oo sidii hawl-galkaasi u dhacay uga warramay Boobe Yuusuf Ducaale oo ururiya taariikhda, isaga oo sii amba-qaadaya sheekadii hawl-galkaas, waxa uu yidhi: “Shantayadii dagaallamaysay ee difaaca loo qaybiyay, markiiba laba ayay ku dhacday. Kuwaas oo kala ahaa: Biixi Xaaji Xasan iyo Siciid Birjeex. Waxaanu ku soo hadhnay saddex keliya, Siciid isagu dhaawacii gaadhigaba kalamuu soo degin.

Biixise, waanu is-agtaagnayn oo bidixda ayuu iga xigay markii ay cuskatay, markaa kaddib ayaan arkay Ninkii Biixi toogtay oo meel xas ah dhex rafanaya. Ninkii xaska dhex rafanayay, ayaan xabbad ku riday. Inta uu dhaqaaqay, ayuu cadceed-galabeeddii isku beegay oo dhinaceeda naga maray. Aniguna waan is-tuuray si aan la ii toogan.

Cadceedduna way sii dhacaysay oo way na cawaraysay. Markaa ninkii iyo cadceeddii, ayaa isku beegmay oo waxa igu adkaatay in ay indhahaygu qabtaan. Laakiin, haddana xabbad baan ku riday oo aan ku dhuftay, balse inta uu dhacay ayuu haddana siqay. Mujaahid Malloosh iyo Ibraahin Carab, ayaa ka daba wareegay, hase ahaatee waxa ka horyimid gaadhkii dibadda ee aanu u qaybinnay gaadhkoodii kale ee dibadda, markaa kuwii ayay isla libdheen.

Aniguna, waxaan u baydhay kuwii gaadiidka fuushanaa iyo daaqadaha guryaha si aan dhismeyaasha na looga soo toogan. Baabuurkii saddexdu saarnaayeen, dibadda ayay hawshoodii ka soo bilaabeen, taasina waxay keentay in gaadhkoodii la soo eryado oo ay xaggayagii iyo gudaha ku soo yaacaan”.

Halkaa markay arrintu maraysay, weli lama hayo Cabdillaahi Askar iyo halka uu ku xidhan yahay. Aadan Maal, wuxuu sheegay inuu markaas maqlayay Ibraahin Koodbuur oo ku musanaabayay “Waar ragga laayaay, waar ragga laayaay”, wakhtigaas oo ay saddex albaab oo isku xigay ka baadhayeen Cabdillaahi Askar, isaga iyo Cabdisalaan Turki. Cabdisalaan Turki, albaabkii bidixda xigay ayuu jebiyay, kaddibna wuxuu yidhi ‘kuma jiro’, markaasaan ku idhi ‘waar ka midigta.. Waar ka midigta….’ Dabadeedna wuu ku orday oo gacanta ayuu ula tegay. Cabdillaahi Askar, markaa wuxuu bilaabay qaylo, waxaanu kor ugu dhawaaqay: ‘waar waykan…waar
waykan..’ Malaha wuxuu maqlay, markii aannu islahayn “kanna kuma jiro, kanna kuma jiro.”

Aadan Maal, isaga oo ka sii sheekaynaya siday wax u dhaceen daqiiqadihii markaa ku xigay, wuxuu yidhi “Dhawaaqii Cabdillaahi Askar kaddib, Cabdisalaan Turki ayaa albaabkii gacanta ula tegay, Ibraahin Koodbuurna qoriga dabbadiisa ayuu ku dhuftay, markaasuu mar labaadna ku celiyay oo ku dhuftay. Waxa jabay albaabkii, dabadeedna Cabdillaahi Askar oo qaawan, ayaa isaga oo boodaya soo dhaafay. Kama uu xidhnayn lugaha, balse waxa uu ka xidhnaa gacmaha oo keliya, nigis yarna wuu xidhnaa, waxaana ku yaallay nabarradii lagu dhuftay.

Markii uu soo baxay ayaan is-hortaagay, aniga oo ka soo jeestay xaggii daaqadaha, waxaanan ku idhi; ‘Waar Baabuurka fuul…. Waar baabuurka fuul..” balse anigii ayaabu iga shakiyay. Ciidan ahaanna sax ayuu ku ahaa in uu iga dhega-adaygo, waayo is-aqoon hore nagama dhexaynnin.

Ibraahin iyo Cabdisalaan Turki oo uu soo dhaafay markii hore ayuu ku jeestay oo uu ku yidhi; ‘waar ma baabuurkaan fuulaa?’ Ibraahin Koodbuur, ayaa la-hadli waayay, markaas ayaan anigu ku idhi Ibraahin ‘waar Ninka baabuurka fuul dheh’ dabadeedna Ibraahin, ayaa u ishaaray inuu baabuurka fuulo. Kaddib, xaggii baabuurka ayuu u dhaqaaqay oo dhinacii darawalka ayuu maray, dabadeed waxaan ku idhi; ‘dhinaca kale mar oo ka soo gal.’ Ibraahinna, gaadhigii ayuu fuulay oo shidhkii ayuu la galay. Aniga iyo Cabdisalaan Turki, waxaanu ku dhaqaaqnay Biixi Xaaji Xasan oo dhaawacnaa.

Dhawr goor, ayuu degdeg awgii baabuurku naga dhaqaaqay oo haddana joogsaday, oo haddana naga dhaqaaqay oo haddana joogsaday. Markaas baabuurkii in door ah ayuu naga goostay oo albaabkii laga baxayay ayuu ku dhowaaday, anaguna Biixi oo dhaawacan ayaanu daba sidnay. Markii dambe ayuu Biixi Xaaji Xasan nagu yidhi; ‘waar anigu dhintaye, yaanu baabuurku idinka tegin.’ Sidaas ayaanu baabuurkii ku fuulnay, Biixi-na halkii baanu kaga tagnay oo naftu kaga baxday, nololna laguma soo gaadhin.

Sidaas ayaanu ku ambabaxnay, annaga oo baabuur keliya wadanna. Albaabka galbeed ayaanu ka baxnay. Jidka Bari ka mara guriga Cabdillaahi Darawal imika ku jiro, ayaanu qaadnay, waxaanu u joogsannay saddexdii baabuurka kale saarnaa oo soo ordayay. Gaadhigii kale ee ay saddexdu saarnaayeen wuu dhaqaaqi waayay, xerada horteeda ayaannu kaga tagnay. Annaga oo kow iyo toban ah ayaanu hal gaadhi wada raacnay. Cidi nama eryanayso markaas, wax naga sii yaacaya mooyaane. Markaasna xabbado sii dhacaya waanu maqlaynnaa, laakiin dan kama lihin.

Dugsigii 1da Julaay ee imika Jaamacadda Hargeysa loo yaqaanno, ayaanu Bari ka marnay, Masaajidka Isha Booramaku yaallana dhinaca galbeed ayaanu ka marnay. Magaalo-qallooc oo ahayd Xeradii Ayaxa, ayaanu sii dhexjibaaxnay. Midig ayaanu u baydhnay oo dalcadda karasharka, dariiqa ka dillaaca ayaanu marnay. Markii aanu ka baxnay dalcaddaa, ayaa baabuurkii naga hashkadeeyay oo uu is-taagay. Waxaa naga horreysa xero Ciidan deggan yahay iyo xaruntii Gantaalaha, labadaa dhexdooda ayaanu ku sugannahay. Cadceeddu, markaa liiqa ayay sii dhigaysaa, oo way sii dhacaysaa.

Waxay nala noqotay in aanu Ciidankaa, cadceedda sii dhacaysa isugu toosinno, taas oo annaga na caawinaysay. Xeradaa markii aanu dhaafnay, ayaanu bidix u baydhnay. Mar
kale, ayaa baabuurkii hashkaddii bilaabay, anaga oo maraynna halka ay ku kala baydhaan waddada Madaarka tagta iyo ta Ina Naxar u soo leexata. Kucladdii gaadhiga, ayaanu in shidaal ah ku shubnay, nasiib-wanaag wuu noo dhaqaaqay, markii aanu ilaa boqol tallaabo soconnay ayuu haddana joogsaday.

Talo, ayaa nagu caddaatay, haddana waxay nala noqotay in aanu wax is-weydiinno oo aanu tashanno. Intii aanu tashanaynnay ayay cadceeddu godkii gashay oo gabbalkii noogu dhacay halkaa. Dabadeed Cabdisalaan Turki, ayaa soo jeediyay in Salaatul Shukri aanu tukanno, sidaas darteed markiiba waanu tukannay. Markii aanu tukannay,
ayaanu baabuurkii yar taataabannay oo uu noo dhaqaaqay. Cabdisalaan-Turki ayaa yidhi “Waar haddii aynu xaq ku soconno oo reer Sheekh Isaxaaq nahay, wuu dhaqaaqayaa”.

Markaa kaddib, waxay qoorsadeen waddada Habaas-weyn. Darfacle, goobta loo yaqaan markii ay dhaafeenna, gaadhiga ayay laydhkii u shiteen. Makhaayad ku taallay tuulada la yidhaahdo Cunaaye ayay is-yar taageen, waxaanay halkaa ku waraysteen qaar ka mid ah dad deegaankaa deggenaa oo ay weydiiyeen, bal in waddada ay hayaan ay kala baydhayso inta aanay gaadhin Gunburaha Banka iyo in kale. Markaa waxay u sheegeen dadkii ay la kulmeen, in ay kala baydhayso inta aan la gaadhin Gunburaha. Meesha oo kayn ahayd awgeed, waxay weydiisteen dadkii in raaciyo cid dal-aqoon ah.

Dadkii waxay u qaateen in ay yihiin niman jaadlayaal ah, dabadeedna waxay ku dareen laba nin. Labadii nin waxay ku simeen ilaa Gunburaha Banka, halkaasna waxa ka sii raacay nin kale oo dal-mariye ah. Kaddib, waxay cagta saareen waddada Gumar u baxda, muddo yar markii ay hayeenna waxa u muuqday kaaha laydhka gaadhi hor-goynayay oo ka soo baxay dhinaca Balli-gubadle, una jeeday dhinaca Gumareed, kaas oo ay markii dambe ogaadeen inuu ahaa Bee-bee Ciidamadii Faqashtu lahaayeen oo iyaga loo soo diray.

Marka Eebbe kuu bidhbidhinayo waad badbaaddaaye, bee-bee-gu, wuxuu ku dhacay xorfad, ciidankii saarnaana markii uu ku dhacay godka, ayaa midba meel ku duulay. Mid ka mid ah, wuxuu dusha kaga tuuray geed oo uu ka laad-laadiyay, mid kalena dhulka ayuu ku dhacay oo luqunta ayuu wax ka noqday. Geddoonkaasi waxa uu baajiyay jidgooyadii lala maagannaa, iyaguna jiiddii ayay ka gudbeen intii shilka lala tacaalayay.

Raadraac: Ilaha xigashada
1. “Xusuusta Maalmihii Qadhaadhaa” Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale.

La soco qaybta lixaad haddii Alle idmo..

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR