Sarkaal ka tirsan CID-da oo caawa Qarax lagula eegtay Magaalada Muqdisho

Qarax la soo hoos geliyay gaari nuuca raaxada ah ayaa caawa ah waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa isgoysyada KM4 iyo Laami Yaraha, gaar ahaan aagga xarunta Hargaha iyo Saamaha.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen qaraxa kadib in Dab uu qabsaday Gaariga, islamarkaana halkaasi si deg deg ah ay ku gaareen gaadiidka dab damiska iyo kuwa Ambalaasta, si ay u sameeyaan gurmad.

Qaraxan ayaa qabsaday gaari nuuciisa uu ahaa SURF oo uu watay Sarkaal ka tirsan ciidanka Dambi baarista ee CID-da, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Daahir Xasan Xuseen (Daahir Tabliiq).

Waxaa la xaqiijiyay khasaaraha qaraxan inuu ku kooban yahay Daahir oo dhaawac uu ka soo gaaray, wuxuu sarkaalkan horey u soo noqday Wasiirkii Hawlaha Guud iyo Guryeynta Galmudug iyo Guddoomiyihii Degmada Deyniile, Dowladdii Sheekh Shariif.

Saraakiil ammaanka qaabilsan ayaa sheegay nuuca qaraxa inuu ahaa midka dhejiska, hadana ay ku hawlan yihiin baaritaan ku aadan halka qaraxa lagula soo xiray gaarigan.

Sawirro laga soo qaaday gaariga qarxay ayaa muujinaya burbur xoogan oo soo gaaray gaariga, iyada oo durbadiiba gaariga laga jiiday goobtii uu ku qarxay.

Khamiistii ina dhaaftay oo bisha ay ku beegneyd 14-kii March ayaa sidan oo kale waxaa qarax gaarigiisa loogu xiray ka bad baaday sarkaal ka tirsan ciidanka dambi baarista, kaasi oo ka dhacay meel ku dhaw isgoyska Shaqaalaha.

Mintidiinta Al Shabaab ayaa inta badan qaraxyada dhejiska ah la beegsada gawaarida ay wataan saraakiisha ciidanka iyo shaqaalaha dowladda.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR