SAWIRRO:- Kooxda Sufa Ee Dhusa mareeb oo Dagaal isku Diyaariyay.

Sh,maxamed Shaakir Cali Xasan hugaamiyaha #Ahlusunna ayaa maanta Dhuusamareb kula kulmey Saraakiisha Ahlusunna oo iskugujira Qayb kamida Saraakiishii dhawaan ay dalacsiidey dawladda Soomaaliya iyo kuwii waayey dalacsiintii oo u badan saraakiisha meesha fadhisa.

Ahlusunna ayaa u sheegtey saraakiisha ay maanta lakulmeen inaysan ka amar qaadan dawladda #Soomaaliya ayna qarka u saarantahey inay kabaxaan Hishiiskii dawladda ay lagaleen oo ay ku eedeeyeen inay baalmartey hishiiskii labada dhinac.
Waxa ay saraakiisha u sheegeen hugaanka Ahlusunna inay maanta kadib ka amar qaadan doonaan hugaamiyaha ruuxiga ah ee Ahlusunna Macalin maxamuud sh,Xasan sidookale waxa ay Ahlusunna saraakiisha maanta u sheegtey in kahor inta aysan dawladdu imaanin dhuusamareb siduu ahey maamulka Ahlusunna uu yahey maanta kadib.

Dhanka kale saraakiil katirsan saraakiishii ay dawladda #Soomaaliya dhawaan dalacsiidey ayaa u muuqda inay wali kuxiranyihiin hugaanka Ahlusunna waxa ayna maanta aqbaleen inay ka amar qaataan Ahlusunna.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR