SAWIRRO Madaxweyne Farmaajo oo Saraakiisha Ciidamada kula kulmay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo ku sugan Magaalada
Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, ayaa xalay magaaladaasi kulan kula qaatay
Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee dowladda ee ku sugan Magaaladaasi.

Saraakiisha Ciidamada Madaxweynaha uu la kulmay, ayaa isugu jira kuwii
dowladda ay gaysay Magaalada Dhuusamareeb & Saraakiisha Ciidankii Ahlu
Sunna ee lagu biiriyay dowladda Federalka Somaliya.

Madaxweynaha waxa uu xusay in dowladdu ay xoogga saartay xaqiijinta
xuquuqdooda ciidannimo iyo tayeyntooda, isagoona ku dhiirri geliyey go’aankooda
ku saleysan Qarannimada iyo in ay u istaageen difaaca dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa Saraakiisha Ciidamada kula dar daarmay inay si
wanaagsan u xaqiijiyaan ammaanka Dhusamareeb & sidoo kale Ciidamada ay ka
shaqeeyaan ammaanka deeganada hoostagga Magaaladaasi.

Saraakiisha Ciidamada Booliska, Nabad Suggida iyo Miltariga ee Madaxweynaha kulanka la qaatay ayaa sheegay inay fulinayaan dardaaranka Madaxweynaha ee ku aadan suggida ammaanka Magaalada Dhuusamareeb iyo deeganada hoostagga.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR