SAWIRRO: Tababarkii ugu dambeeyey oo ay kooxda Real Madrid isugu diyaarinayso kulanka PSG ee Champions League

Xiddigaha kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa maanta qaatay tababarkoodii ugu dambeeyey oo ay isugu diyaarinayaan kulanka Paris Saint-Germain ee Champions League.

Ciyaartoyda Real Madrid oo ay ku jireen Cristiano Ronaldo iyo Gareth Bale ayaa qeyb ka qaatay tababarkii kooxda Los Blancos ay maanta isugu diyaarinaysay kulanka habeen dambe ee Wareegga 16-ka Champions League oo ay la leeyihiin PSG.

Real Madrid ayaa habeen dambe garoonkeeda Estadio Santiago Bernabeu ku soo dhaweynaysa kooxda Paris Saint Germain lugta hore ee wareegga 16-ka Koobka Horyaalladda Yurub.

Kulankan waa mid aad ugu muhiimsan tabababara Real Madrid, maadaama Macallin Zinedine Zidane uu kulankaas ku xiran yahay shaqadiisa, haddii laga reebo tartankana uu shaqadiisa kooxda weyn kara.

SAWIRRO:

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR