Saxafigu waa Xaqiiq Raadiyee, Ma aha Qabaxqaate (Laaluushqaate) (WQ: Ismaaciil Xasan Maxamuud)

Ma ihi mihnadle saxaafadeed, balse waxa aan ahay qof jecel warbaahinta iyo arrimaha la xidhiidha waxa la yidhaahdo warbaahinta (mass communication); maadaama wakhti xaadirkani uu yahay casrigii tiknoolajiyadda, sidoo kale, xog isgaadhsiintuna ay tahay mid dhakhso badan iyada oo la adeegsanayo qalabkasta oo fududeynaya xogtaasi heliddeeda iyo fidinteedaba.

Haddaba bal aynnu yara dul istaagno si aynu iskula garanno inta ogaalkeyga ahna uga sheego saxaafad iyo waxa ay tahay, waayo tani waxa ay fududeynaysaa isfahankeena iyo doodaha ka dhalan doona qoraalkan aan idinla soo wadaagey.

Saxaafadu waa Ururinta iyo tebinta warar xaqiiqo ah, dhacdooyinka iyo mawadiicda kale sida; siyaasadda,dhaqaalaha,ciyaaraha,dhaqanka iyo kuwo kale oo badan.Haddii aynnu qeexid kale ku sameyno. Waa hawl qabad aad ku soo ururineyso, qiimeynayso, abuureyso kuna soo gudbineyso war ama xog cusub adiga oo kala shaandheynaya, wixii qaldana ka saaraya (Editing).Isla markaana ku baahinaya shabakadaha (internetka). Bal aynu intaasi kaga nimaadno qeexitaannada saxaafada walow ay yara badan yihiin, balse intooda badan labadan ayay kusoo ururaan. Kol hadii aynnu xusney saxaafadi waxa ay tahay miyeyna is weydiin mudneyn kuma saxafi noqonaya hadaba? Waatan jawaabta su’aashani. Saxafi waa qof soo ururinaya, qoraya,baahinaya war ama macluumaad una baahinaya si caam ah.

Akhriste, haddii aynu intaasi kaga soo gudubno sharraxaada kooban ee ku saabsan saxaafad iyo saxafi, waxa aan haddana yara iftiimin doonaa kala duwanaanta iyo madawga kaga jira dadka laba kalmadood ee ay isku sida u adeegsadaan kuwaasi oo ah saxafi iyo weriye.

Magaca Weriye sidiisaba waa magac uu la baxo qofka mihnadan Saxaafada ku jira, haddii aynu si kale u dhigno waxa la yidhaahdaa waa nooc kamida Saxaafadda, taasi oo ay shaqadeedu tahay soo baadhida iyo dabagalida weliba si cilmiyeysan (research), iyo qoridda sidoo kale sootebinta ama werinta xog, isaga oo xogtaasi ka helaya meel, ama ilo wareed (source) cadeymaheediina barbarwada, isaga oo u hawlgalaya qaab wareysi  si uu xogtaasi u hanto.

Intaanan ka bixin shaqada weriye, waxaan sii yara sharrixi doonaa erayga aan adeegsadey ee (research), eraygani waxa uu iskugu jiraa laba kalmadood oo kala ah (re and search), taasi oo marka la isku geeyo noqonaysa (research) oo macno ahaana tibaaxeysa, mar labaad baadh oo si taxadir leh u soo raadi, si aad u ogaato xogta aad marka hore duulduulka ku maqashey ama cidi kuu sheegtey mid kabadan kana saxsan. Haddiiba eraygani uu macnahaasi innoo sameynayo, miyeyna haddaba ahayn si shay saxsanaantiisa loo helo waa in wakhti, tamar iyo hawlkasta oo uu ku heli karo saxsanaanta shaygaasi, xataa caddeymo uu garab wado alle haka yeelee miyeyna uga baahneyn qofka weriyaha ah. Mayee way uga baahan tahay.

Sax saxanaanta hawsha iyo shayguba waa sawirka dhabta ah ee qofka, kaasi oo aynu ka akhrisan karno, aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo’aragnimada hawsha uu qabtey sidoo kale daacadnimadiisa.

Aan idin yara xasuusiyee waxa jira shan qodob oo aasaas u ah Saxaafadda kuwaasi oo aan ka soo dheegtey, waraysi uu bixinayay khabiir ahna xeeldheere, ku xeel dheer arrimaha saxaafada sidoo kale ah Director of Ethical Journalism Network, oo la yidhaa Aidan white. Wuxuu khabiirkani sheegayaa shantaasi qodob inay saldhig u yihiin Hawlaha Saxaafaddu qabato waxayna kala yihiin:

  1. Accuracy ( Saxsanaanta)
  2. Independence (Madaxbanaani), uhawlgelidda si xor ah.
  3. Impartiality (u go’aan qadashada si Cadaalad ah) laba dhinac,midkood adiga oo aan taageerayn.
  4. Humanity (Bani’aadantimo) iska ilaalinta, kalmadaha iyo sawirada dhaawac bani’aadanimo keeni kara. Saxafiga shaqadiisa ayaa ah inuu ilaaliyo umada kana ilaaliyo wax kasta oo dhib u keeni kara haba yaraadee.
  5. Accountability (Islaxisaabtan) qodobkani waxa uu ku qeexay Mr Aidan. Qirashada qaladaadka uu sameeyo qofka saxafiga ah, iyo raali galin ka bixinta dhacdooyinka aan xaqiiqada salka ku hayn.

Waxa inta badan la is barbardhigaa, walow lasyku qaldo, madaxbannaanida hadalka iyo saxafinnimada.

Qofka xorriyada hadalka cabbirayaa, waxa layidhaahdaa raalligalin ma sameyn karo, wuxuu aragtidiisa u soo tebinayaa sida uu hadba u arko, iyo waxa ay ula muuqato.  Halka saxafigu uu san dhacdooyinka ku saleyn karin aragtidiisa shaqsiga ah sida ay isaga ula muuqato, balse sida ay u dhacdey ayna tahay inuu usoo gudbiyo, hadii uu qaldamona, waxa looga fadhiyaa raali gelin iyo qirasho qalad.

Haddii aynu soo yara qaadanno qodobka koowaad ee ah (Accuracy) saxsaxsanaanta ayaa ah ka ugu muhiimsan marka loo eego qodobada kale, waayo sootebinta warka saxda ahi xataa Ilaahey xagiisa waa mid aanu dambi kaaraaceyn sidoo kale waxaad ugu yaraan xoogga saareysaa xaqiijinta warkan intaanad soo baahin, taasina waxay kugu kalifeysaa inaad wakhti badan geliso sidii warkan aad ugu heli lahayd cadeymo iyoxogo badan oo xaqiiq kadhigaya.

Xikmadda ku jirta inuu warku war sax ah noqdaa waxa weeyi mid laba dhinacba dan u ah.

  • Bulshada dan ayay u tahay.
  • Weriyaha dan ayay u atahay.

Bulshada dan ayay u atahay oo waxa ay dan ugu tahay, waxay ka bedbaadeysaa jahawareer, iskubuuq iyo in aakhirka iska hor imaad dhaco, maadaama bulshadeena wakhtigan nooli ay tahay mid xoog ugu xidhan warar baahiya-yaasha kala duwan.

Wariyahana dan ayay u atahay oo waxay inna tuseysaa, sawirka dhabta ah ee qofka xogtan inala soo wadaagey, haddii ay noqoto aqoontiisa, kartidiisa iyo hufnaanta hawsha uu qabtey. Madaama qodobbada aynnu soo sheegnay, gaar haan qodobka afraad uu qeexayo shaqada qofka weriyaha ah.

Hadiiba umuuraha aynu kor tibaaxney, ay yihiin kuwa, qofka hawsha saxaafada inooga shaqaynayaa,maxaa hadaba qaldan ee ilaa hada aynu ula’nahay saxafi dabaqaya nidaamyada caalamiga iyo kuwa aqoonta saxaafada lagu barto, walow ay jiraan meelo badan oo saxafiga joogaa uu runtii yahay mid aad dareemayso inuu aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba dhisan yahay balse ilaa hada waxbaa qaldan, ileyn meel wada sax ahi ma jirtee, wuxuunbaa lagu kala badan yahay xadiga iyo heerka aqoonta hawsha saxaafada.

Aynu intaas kaga nimaadno iftiiminta iyo waxkasheegidda saxafiga iyo weriyaha, bal waxaan sharraxaad kooban ka bixin doonaa, xidhiidhka ka dhexeeya, qabaxda ama laaluushka iyo Saxsanaanta wararka aynnu maalin walba helayno, waxaana is weydiin mudan saameyn intee leeg ayay ku yeelan kartaa saxsanaanta iyo sugitaanka warka? Hadii uu warkaasi noqdo mid aan qabax ama laaluush lahayn.

Erayga (qabax) waa kalmad suuqdi ah oo inta badan loo adeegsado shaykasta oo aan si toos ah u socon sidoo kale, la qarinayo, waxana isku afgarta dadka intiisa wax musuqda, maadaama erayga laaluushuu noqdey mid isagu caan ah la islana fahmi karo. Kani waa ‘qabaxe’ waxuunbaa isku afgarata Saxaafada maanta jirta.

Dhinaca kale hadii aynnu ka eegno labadan eray laftodu mararka qaar waa isku yara macno dhawyihiin, isku sina waa loo adeegsan karaa, balse inta badan waa lakala qaadaa.

Bal aynu u dhaadhacno saameynta tooska ah ee Qabaxda ama Laaluushku ku yeesho sugnaanta iyo waliba sax-sanaanta warka waxana kamid ah:

  • In weriyuhu mar walba uu go’aan ku qaato heerka qabaxda uu helo.
  • In sax-sanaanta warku ku xidhnaato xadiga qabaxda uu helo saxafigu.
  • In ay adkaato ilaa qabax buuran uu helo, inuusan weriyuhu, hawshiisa u hagar bixin.
  • In saxafigu inta tuunbada qabaxdu ku socoto uu ka sheekeeyo badhaadhe iyo barwaaqo aan xataa mararka qaar sal iyo raad toona aan lahayn.

Qodobbadani waxay nusqaan iyo hoos u dhac ku keenaan, bulshada sida maalinlaha ah ugu xidhan dhacdooyinkan la soo tebinayo, kuwaasi oo mar walba wacyigooda ka dhiga mid gedgeddi badan oo aan fadhiyin. Waxayna noqotaa bulsho ku go’aan qaadata maalinba wixii loo sheego.

Arrimahani sidoo kale waxay saameyn toos ah ku yeesheen, waa qabax qaadashadee weriyayaasha kuwaasi oo intooda badan ka dhaxla kalsooni daro xaga bulshada kaga timaada sidoo kale cida ay la shaqeeyaan, waxayna meesha ka saartaa in saxafigu xataa aamini waayo isbdaleda nololeed ee dhacaya, ilayn maahmaahbaa tibaaxeysay “noloshu waa hadhka labadiisa gelin” ma been baa? Mayee waa run. Ugu dambeyn Saxafigan markii uu qabaxda qaadanayey ka sheekayn jirey badhaahaha ayaa marka tuunbada qabaxdu meesha ka baxdo umadii la wadaagaya balanbalka bulshada ku habsadey, sidoo kale adeegsanaya erayo ay ka mid yihiin waxani waa caddaalad daro, cid gaar ah ayaa la doonayaa inay noolaato, waa lana cabbudhinayaa iyo kuwa kale oo badan, aan soo amaahdo maansadii uu tiriyey Abwaan Bashiir (Gaaxnuug) mar uu lahadlayey dhallinyarada maanta saxaafada ku jirta. Wuxuuna yidhi:

Saxaafadu waa hogaanka

Adduunka lagu hagaayo

Hufnaanta iyo dhiiranaanta

Saxaafadu waa halbeega

Kusiisa haasaawe muuqda

Saxaafadu waa hilaaca

Hamuunta iyo gaajadaada

Haraadka daweysa weeye

Saxaafadu waa hubkaaga

Markaad ugu hiilineyso

Dan-yare aan heli kareynin

Inuu hadalkiisa dhiibto

Weriye hawshaada xooji

Uhiili dadkaaga maanta

Hubsoo sheekadaada qoreyso

Hirka iyo biyodhaceeda

Waxay halis keeni doonto

Weriye hawshaada xooji

Uhiili dadkaaga maanta.

 

Maansadan koobani waa mid is macneynaysa sidoo kale waxaad ka dhan-dhansan kartaa xataa tuduca odhanaya “hubsoo shekadaad qoreyso, hirka iyo biyodhaceeda, waxay helis keeni doonto. Tani waxay ina tuseysaa sax-sanaanta warka, iyo marba wixii uu saxafigu soo tebinayo, inay u baahan tahay foojignaan iyo ka taxadir badan.

“Weriye hadaba noo kala daa, labowejiileyntan. Maalinka aad qabaxda sida joogtada ah u qaadaneyso iyo maalinka aad bilaa qabaxda tahay, ilayn caqligayagii waadigan caayee”.

Ficiladan sameyntoodu waxay bulshada had iyo jeer wararka ku xidhan dhaxal siisaa inaysan aaminin warkan uu soo tebinayo saxafigani, maalintii horena badhaadhaha ka sheekeynayay, maantana hooga iyo balanbalka umadiisa la soo wadaagaya. Waa dhab oo maalmuhu isku mid ma aha, balse intee inleeg ayaynu aamini karnaa, waxa uu inoo sheegayo? ilayn dadku wada indheer garad ma’ahe.

Waxaan xasuustaa markaan arko, weriye ku andacoonaya waxa laygu sameeyay cadaalad daro. Waa lay cabbudhiyey sidoo kale kacsan oo xanaaqsan, falsafaddii Mudane Seneca ee ahayd “ Hadiiba aad aragto qof kacsan oo wax tabanaya wuxuun baad is weydiisaa aragtida xanaqiisa dabada ka riixeysa, ee marka hore ku kaliftey inuu xanaaqo, markaad taa hesho waxaad xal u heli kartaa xanaaqan aad ku aragtey qofkan.”

Hadaba falsafadda dabada kariixda xanaaqa saxaafadeenu waa qabax la’aan iyo laaluush la’aan.

Gebogabada qoraalkaygan waxa weeyi, waxaynu rabnaa saxafi shanta qodob ee aan kor ku xusey, dabaqi kara, sidoo kale ma rabno, saxafi maalinba muraayad nooc kale ah inoo galiya oo ay qabaxdu hagto, waayo annigu markaan qeexayo warbaahinta maanta jira waxaan ku matalaa, sida muraayada guryaha inoo taala,  subax kastana  isku  daawano si wajigeena iyo muuqaalkeena aynu uhubino inuu yahay mid ina qanciya, ilayn hadii aanad subaxdaa isa soo yara daawan, waad tabaysaaye, sidoo kale, hadii muraayada labadii maalmoodba, mar la nadiifin waayo waa ay uskagawdaa, dhasaysataana, warbaahinteenuna waa sidaasi oo kale, hadii aynu weyno dad tayo saxaafadnimo leh, sidoo kale aqoon ahaana dhisan wey adkaaneysaa inay mar walba xaqiiqada inala wadaagaan, taasina waxay ina dhaxal siineysaa jahawareer, umada aynu la nool nahayna noqon mayno dad ka iibsama.

Ismaaciil Xasan Maxammuud (Shiine)

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR