Sergej Milinkovic-Savic Oo Ka Falceliyay, Daawashadii Tababare Jose Mourinho ee Kulankii Serbia Vs Montnegro.

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United Jose Mourinho ayaa u daawasho tagay ciyaartii habeen hore dhex martay wadamada Serbia iyo Montenegro.

Jose ayaa kulanka ugu daawasho tagay si uu usoo daawado bandhigga xidiga qadka dhexe ee Lazio Sergej Milinkovic-Savic, kaas oo uu doonayo in uu keeno garroonka Old Trafford.

Si kastaba ha ahatee, Football Italia ayaa shaaca kaqaadday in Milinkovic-Savic uu caddeeyay in uu kufaraxsanayahay in Mourinho uu daawado isaga oo xulkiisa Serbia matalaya, balse xidiga Lazio ayaan meesha kasaarin in uu waqtigan yahay ciyaaryahan Lazio ah.

Sergej Milinkovic-Savic ayaa dhawaan qalinka kudiigay heshiis shan sano ah oo uu kooxda Lazio kusii joogayo tan iyo sanadda 2023.

Tabbabare Jose Mourinho ayaana xidigan taaheere u ahaa waqti dheer isaga oo daaqaddii kal iibsiga ee lasoo dhaafay ku guul darraystay in uu xidigan kasoo dhaqaajiyo kooxda ka ciyaarta Serie A.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR