Sergio Ramos Oo Isku Qoray Taariikhda Xulka Qarankiisa Spain, Muxuu Yahay Rikoodhka Uu Dhigay?

Daafaca xulka qaranka Spain ee Sergio Ramos ayaa isku qoray taariikhda xulka qarankiisa kadib markii uu ku bilowday kulanka uu xulka qarankiisu goordhaw la ciyaari doono xulka Norway.

Xulka Spain ayaa marti u noqon doona xulka Norway kulan ka tirsan kulamada is reeb-reebka Euro 2020 kulan ay isha ku hayaan in ay guul gaadhaan.

Kadib markii uu ku bilowday shaxda xulka qaranka Spain, Sergio Ramos ayaa noqday xiddiga kulamada ugu badan u saftay xulka qaranka Spain isaga oo rikoodhkaas ka jabiyay Iker Casillas.

Sergio Ramos ayaa xulka qaranka Spain u saftay kulankiisii 168-aad isaga oo dhaafay Goolhayihii hore ee xulka qaranka Spain ee Iker Casillas kaas oo xulka u saftay 167 kulan.

Xiddigaha ugu safashada badan xulka qaranka Spain:

Sergio Ramos: 168

Iker Casillas: 167

Xavi: 133

Iniesta: 131

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR