Shabaab oo dad ay ka shakiyeen ku xiray deegaanka Basra

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka Basra ee Gobolka Shabellaha Dhexe Xoogaga Shabaab ayaa xabsiga dhigay tiro dad ah oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Dadkaan la xiray ayaa wararka waxa ay sheegayaan xarigooda inuu ka dambeeyay, kadib markii Shabaab ay uga shakiyeen inay xiriir dhaw la leeyihiin ciidamada dowladda.

Ehelada qaar ka mid ah dadka la xiray ayaa Warbaahinta waxa ay u sheegeen inay aad uga walaacsan yihiin dadkooda oo gacanta Shabaab galay.

Wararka waxa ay sheegayaan Shabaab dadkaan inay su’aalo ku waydiinayaan deegaanka Basra oo saaka ay ka xireen.

Inta badan Shabaab ayaa dadka ay uga shakiyaan inay xiriir dhaw la leeyihiin ciidamada dowladda waxa ay  ku xir xiraan Magaalooyinka inta laga qabsado Shabaab, haddana dib ay ugu soo laabtaan.

 

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR