Shabaab oo sheegay magaca iyo beesha mid ka mid raggii fuliyey weerarkii Otto Otto

Muqdisho (Caasimadda Oline) – Iyadoo Maalmo laga joogo Qaraxii ka dhacya Xarunta Oto Oto Kooxda Alshabaab ayaa shaacisay Magaca mid ka mia raggi fuliyey weerarkii qaraxyada ku bilwoday ee lagu qaaday xaruntaas7-dii bishan oo ah xarun ay degan yihiin Wasaaradaha arrimaha Gudaha iyo Amniga.

Waxaa lasoo badhigay Wareysi ay baahisay Warbaahinta Al-shabaab oo lala yeeshay ninkan ayuu ku sheegay intii aanu gelin howlgalka inuu falkaasi yahay mid jihaad ah, waxaana lagu magacaabaa Cali Ibraahim Macalim Aadan (Cali Dheere) oo da’diisu ahayd 31 sano jir muddo ka tirsanaa ururka Al Shabaab.

Cali Dheere oo la sheegay inuu ahaa raggii galay xarunta Otto Otto ayaa ka soo jeeday Beesha Hadame, ee degta degaanada Koonfur Galbeed, wuxuuna farriiin u diray waalidiintii dhalay, isagoo u sheegay inuu doortay fulnta howlgalkaasi.

“Waa in gaalada dagaalka lagu laba jibaaro, haddii ay gaaladu ay dareemaan kala go’ ku yimaada dagaalka waxay dareemayaan kibir sidaas darteed maadama ay joogaan rag markasta diyaar u ah nafhurka waxaa la doonayaa in ragga la diyaariyo oo aysan gaaladu nasan” ayuu yiri.

Kooxda Alshabaab ayaa dardaaran ka duubta dadka u diyaarsan inay fuliyaan is-miidaaminta, waxaana markaas kadib laga sii daayaa warbaahintooda.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR