Shabakadda Daily Mail Oo Soo Saartay Liiska Kooxaha Bixiya Mushaarka Ugu Badan Yurub & Koox Walba Xidiga Ugu Mushaarka Badan.

Koboca dhaqaalaha ay kooxaha ku bixiyaan ciyaartoyda ayaa sii kordhaya iyadoo Manchester City ay kasoo mid noqotay kooxaha darajada ugu sareeya ka jooga mushaar bixinta sanadlah ah tan iyo markii uu qabtay xilka tababaranimo Pep Guardiola.

Sportsmail ayaa soo bandhigtay 10-ka kooxood ee ugu sareeya qaaradda yurub kuwaas oo bixiya mushaarka ugu badan iyo sidoo kale koox walba xidiga ugu mushaarka badan – waxaana cajiib noqotay in Manchester City ay ka saramarto kooxda Real Madrid oo ah mid ka mid ah kooxaha ugu dakhliga badan dunida.

Paris Saint Germain ayaa ku fadhisa kursiga ugu sareeya madama ay sanadkii mushaar ahaan u bixiso aduun dhan 279 Malyan oo Pound iyadoo Neymar Junior uu yahay xidiga ugu mushaarka badan kooxda madama ay isbuucii faraqa ugu shubto 537,000 kun oo Pound.

Barcelona ayaa noqotay kooxda labaad ee mushaaraadka ugu badan bixisa madama ay sanadkii bixiso aduun dhan 264 Malyan oo Pound – Lionel Messi ayaana ah kan ugu badan ee lacag ka qaata kooxda madama uu isbuucii hantiyo aduun dhan 500,000 kun oo Pound.

Balaugrana waxey ku fadhin laheyd kursiga ugu sareeya hadii uu joogi lahaa Neymar Junior, balse inuu xidigaan ka tagay intii uu furnaa suuqa xagaagii laga soo gudbay ayey kaalinta labaad kusoo istaagtay.

Kooxaha talyaaniga waxaa kaalinta 10-aad si dhibaato badan kusoo gashay Juventus oo bixisay mushaar dhan 150 Malyan oo Pound iyadoo Gonzalo Higuain uu yahay xidiga ugu mushaarka badan – kuna darso Bianconerri waxey 60 Malyan oo Pound ka yartahay Liverpool oo boos 9-aad ku jirta isla markaana mushaar ahaan u bixisa aduun dhan 210 Malyan oo Pound.

LIISKA OO DHAMEYSTIRAN: 

1. Paris Saint-Germain – £279m (Xidiga Ugu Mushaarka Badan: Neymar, £537,000-isbuucii)

2. Barcelona – £264m (Xidiga Ugu Mushaarka Badan:: Lionel Messi, £500,000-isbuucii)

3. Manchester United – £264m (Xidiga Ugu Mushaarka Badan:: Paul Pogba, £290,000-isbuucii)

4. Chelsea – £250m (Xidiga Ugu Mushaarka Badan:: Eden Hazard, £200,000-isbuucii)

5. Manchester City – £244m (Xidiga Ugu Mushaarka Badan:: Sergio Aguero, £220,000-isbuucii)

6. Real Madrid – £240m (Xidiga Ugu Mushaarka Badan:: Cristiano Ronaldo, £365,000-isbuucii*)

7. Bayern Munich – £235m (Xidiga Ugu Mushaarka Badan: Lewandowski, £160,000-isbuucii)

8. Arsenal – £210m (Xidiga Ugu Mushaarka Badan:: Ozil, Alexis Sanchez, £150,000-isbuucii)

9. Liverpool – £210m (Xidiga Ugu Mushaarka Badan:: Philippe Coutinho, £200,000-isbuucii)

10. Juventus – £150m (Xidiga Ugu Mushaarka Badan:: Gonzalo Higuain, £130,000-isbuucii)

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR