Shaki Weyn Oo La Geliyay U Soo Bixitaanka Xulka Senegal Ee Koobka Adduunka & Kulanka Caawa Ay Dhaleeyaan Oo Shakigaas Meesha Ka Saari Kara

Inkastoo ciyaaraha caalamiga ay yihiin kuwa lagu caajiso hadana waxaa haatan la joogaa waqtigii ay xulalka u tartami lahaayeen u soo bixitaanka Koobka Adduunka.

Xulalka qaar si sahlan ayay ugu soo baxeen Koobka Adduunka, qaar waxa ay ku soo baxeen kulamada kala baxa ee playoffs laakiin xulka Senegal ayaa meel dhexe weli taagan inkastoo ay u dabaaldegeen u soo bixitaankooda Koobka Adduunka Jimcihii markii ay ka badiyeen South Africa.

Kulankii Jimcaha waxa uu ahaa kulan ku celis ah oo hore loo ciyaaray bishii November ee sannadkii hore markaasoo ay South Africa ku badisay 2-1 laakiin natiijadaas waa la masaxay madaama garsoorihii ciyaartaas Joseph Lamptey lagu helay inuu musuqmaasuq sameeyay si sharad lacag badan loogu guuleysto.

South Africa iyo Burkina Faso ayaana haatan dacwad u gudbiyay maxkamada caalamiga ee isboortiga ee CAS iyagoo ku doodaya inay sharcidarro aheyd in kulan ku celis ah la dheelo, waxaana ay doonayaan inay maxkamada meesha ka saarto natiijada kulankii Jimcaha.

Haddii dacwadooda ay guuleysato oo natiijadii 2-1 ee ay ku badisay South Africa sannadkii hore la ansixiyo markaas Burkina Faso ama South Africa weli fursad ayay u heystaan inay u soo baxaan Koobka Adduunka madaama ay hal kulan ka harsan tahay kulamada isreebreebka ee Group D ee qaarada Afrika.

Senegal ayaa u dabaaldegtay guushii ay ka gaareen South Africa Jimcihii iyagoo ku fekerayay inay xaqiijisteen booskooda Koobka Adduunka, laakiin haddii Burkina Faso iyo South Africa ay ku guuleystaan dacwada maxkamada waxa ay u baahnaan doonaan guul kale oo ay South Africa caawa ka gaaraan.

“Senegal weli ma aysan soo bixin. Racfaan ayaan u dirnay CAS waana in la ixtiraamo” ayuu yiri madaxweynaha xiriirka kubada cagta Burkina Faso, Sita Sangare.

“CAS weli go’aan ma aysan gaarin. Waxa ay ay inoo sheegeen in racfaankeena uu yahay mid la aqbali karo, waxaana ay si la mid ah u sheegeen South Africa oo iyaga racfaankooda gudbiyay.

“Waxa ay qiimeyn doonaan labada racfaan waxaana ay go’aan gaari doonaan ugu danbeyn 1da bisha December

“Wax shaki ah kama qabno in CAS ay masixi doonto natiijada ciyaartii Jimcaha, madaama ay aheydba inaan la ciyaarin markii horeba.”

Senegal ayaa kulankooda ugu danbeeya ee isreebreebka Koobka Adduunka ee Group D waxa ay caawa la ciyaarayaan mar kale South Africa markaana iyaga ayaa marti loo yahay, haddii Senegal ay mar kale garaacdo South Africa markaas si rasmi ah ayay u xaqiijisanayaan u soo bixitaankooda Koobka Adduunka xitaa haddii maxkamada CAS ay masaxdo natiijadii Jimcaha.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR