Shan Xidig Oo Dhaawac Ku Maqan, Go’aanada Adag Iyo Shaxda Uu Pep Guardiola Kala Soo Muuqan Karo Anfield Oo Xog Laga Helay.


Advertisements

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa sii wadi doona isku daygiisa uu ku raadinayo in uu soo afmeero rekoodhka xun ee ay kooxdiisa City ku leedahay Anfield halkaas oo ay hal guul oo kaliya ku soo gaadhay 38 kii sanadood ee ugu danbeeyay.

Laakiin Manchester City waxaa kulanka Anfield ka maqnaan doona shan xidig oo kooxda kowaad ka tirsanaa balse hadda la xaqiijiyay in ay dhaawacyo ku seegayaan kulanka Liverpool.

Laakiin haddana waxa uu wali Guardiola haystaa koox dhamaystiran oo uu ka soo xulan karo shax uu guul kaga gaadhi karo koox kasta inkasta oo inkaarta Anfield ay tahay caqabada ugu wayn ee hortaagan.

Go’aano adag ayuu Guardiola ka qaadan karaa shaxdiisa kulanka Liverpool maadaama oo ay jirto cabsi ah in ay City guuldaro kale ka soo gaadhi karto Reds.

Advertisements

Liverpool ayaan wali wax guuldaro ahi soo gaadhin dhamaan kulamadii xili ciyaareedkan ee premier League waxayna doonayaan in ay 9 dhibcood hogaanka ku qabtaan haddii ay City guul ka gaadhaan.

Manchester City waxaa kulanka Liverpool dhaawacyo kaga maqnaanaya shanta xidig ee kala ah  Leroy Sane, Rodri, Aymeric Laporte, Oleksandr Zinchenko iyo David Silva, waana xidigo go’aanada ku adkaynaya Guardiola.

Guardiola ayaan la filayn in uu difaaca dhexe ee kooxdiisa ku aamini karo John Stones iyo  Nicolas Otamendi waxaana la filayaa in Fernandinho uu markale ka ciyaar siin doono difaaca dhexe.

Waxayna u badan tahay in Johne Stones iyo Fernandinho uu ku soo wada bilaabi doono difaaca dhexe halka Benjamin Mendy uu difaaca bidix ku soo bilaabi doono maadaama oo uu laporte maqan yahay.

Laakiin haddii uu Guardiola go’aan ku gaadho in uu Fernandinho difaaca dhexe ku bilaabo waxaa qasab ku noqon doonta in uu  Ilkay Gundogan ka dalbado in uu dhexda danbe ee burburiyaha ka ciyaaro.

Iyada oo David Silva uu dhaawac ku maqan yahay, waxay Bernardo Silva siinaysaa in uu khadka dhexe kula soo bilaaban karo Kevin De Bruyne.

Raheem Sterling oo ilaa hadda aan isku muujin kulan Anfield ah tan iyo markii uu Liverpool ka soo wareegay ayaa markale cadaawad lagu soo dhawayn doonaa isaga oo garabka weerarka ee shaxda Guardiola ku soo bilaaban kara halka Riyad Mahrez uu garabka midig buuxin doono.

Sergio Aguero ayaa weerarka Man City ku hogaamin doona kulanka Liverpool inkasta oo Gabriel Jesus uu doonayo in uu Guardiola go’aanka ku adkeeyo.

Shaxda Macquulka Ah Ee Uu Gaurdiola Kula Soo Shirtagi Karo Kulanka Liverpool:

Advertisements

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR