Shaqaalaha Wasaaradaha qaar oo loo diiday inay maraan wadada horumarta Madaxtooyadda

Wadada Sayidka ee horumarta Madaxtooyadda Somaliya oo xilli hore laga mamnuucay isticmaalka gaadiidka shacabka, ayaa dhawaan sidoo kale laga mamnuucay qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradaha Xukuumadda Somaliya.

Warar aan helnay ayaa xaqiijinaya in Wadada Sayidka loo ogol yahay kaliya inay maraan Shaqaalaha Wasaaradaha dhex degan Villa Somaliya ee halkaasi ku shaqeeya, halka kuwa Wasaaradahooda aanan ku oolin Madaxtooyadda iyo Xayndaabkeeda loo ogoleyn inay halkaasi maraan.

Wasaaraddaha ku dhex yaalla Madaxtooyadda ayaa kala ah, Wasaaradda Warfaafinta, Wasaaradda Haweenka, Wasaaradda Khayraadka, Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Xafiiska Hanti dhawrka, Xafiisyada Madaxtooyadda iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaliya shaqaalah ka hawlgala ayaa loo ogol yahay inay wadadaasi maraan.

Wasaaradaha kale ee aan ku oolin Xayndaabka Madaxtooyadda ayaa Shaqaalahooda loo sheegayaa marka ay tagaan Koontaroolka Sayidka inay maraan wadooyinka kale ee Magaalada gudaheeda.

Tani ayaa waxa ay ka dambeysay, kadib qaraxii ka dhacay Maqaayada dalsan oo ku dhaw Godka Jilacow, wixii xilligaasi ka dambeeyay ayaa si wayn loo adkeeyay Koontaroolada laga galo Madaxtooyadda Somaliya.

Sidoo kale waxaa la ogol yahay Koontaroolka Sayidka & midka Beerta Nabadda ku dhaw inay ka gudbaan Ciidanka Booliska, maadaama Xarunta Kumaando Buluuziya ay ku dhex taallo Madaxtooyadda Somaliya.

Shaqaalaha qaar ee Wasaaradaha Xukuumadda ka shaqeeya ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan isticmaalka wadooyinka kale ee Muqdisho sida wadada Buundooyinka oo inta badan isku xirmata, xilliyada gaadiidka xamuulka dakadda ay xaroonayaan, islamarkaana aysan joogin wadadaasi Ciidan taraafiko oo kala haga gaadiidka.

Amarkaan Shaqaalaha qaar loogu diiday inay maraan wadada Sayidka ee Madaxtooyadda horumarta, ayaa la sheegay inuu ka soo baxay madaxda Maamulka Madaxtooyadda Somaliya, si loo adkeeyo ammaanka Madaxtooyadda.

Waxaa xusid mudan xayndaabka Madaxtooyada gudaheeda inay ku yaalaan Kabaro jaadka lagu iibiyo & maqaayado lagu qayilo oo ay fariistaan Ciidanka iyo dad kale, taasi oo dadka qaar dareen ay ka muujiyeen, sababo ku aadan dhanka ammaanka, maadaama goobaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay ee Xayndaabka Madaxtooyadda ku yaalla ay keeni karaan amnidaro.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR