Shaqaale ka tirsanaa Dowladda Hoose ee Xamar oo xalay lagu dilay Muqdisho

Rag hubeysan ayaa xalay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen wiil Dhalinyaro ahaa oo si weyn looga garanayay Magaalada Muqdisho.

Laba dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa rasaas huwiyay wiilkan oo lagu magacaabi jiray C/casiis C/laahi Maxamuud (Siijey Amoore), islamarkaana ka mid ahaa Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar gaar ahaan qeybta Dhalashada iyo Sugnaanta.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in isla goobta uu ku ruq baxay C/casiis, bacdamaa dhaawiciisa uu halkaasi yaallay mudo Hal saac ku dhaw.

Sida caadada aheyd xubnihii nafta dhaafiyay marxuumka ayaa si nabadgelyo ah goobta uga tagay iyaga oo aan qabin dareen ku aadan in dabagal lagu sameeyo.

Ciidanka ammaanka oo shaqadooda ay u muuqato inay u badaleen inay tagaan goobta marka uu falka dhaco ayaanan ku guuleysan soo qabashada gacan ku dhiiglayaasha loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Argagixisada Al Shabaab.

C/casiis C/laahi ayaa ka mid ahaa Dhalinyarada ugu firfircoon ee ku nool Magaalada Muqdisho, wuxuuna Saddex maalin kahor ka qeyb galay Dabaaldegga maalinta Dhalinyarada Somaliyed oo ku beegneyd 15-ka May.

Ehelada Marxuumka ayaa ka dalbaday Dowladda Federaalka Somaliya inay soo qabato raggii dilay wiilkooda, waxayna tilmaameen inay dishay gacan ka xaq daran.

Ururka Al Shabaab ayaa kordhiyay dilalka ay ka geysanayaan Magaalada Muqdisho inta la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan, iyada oo si joogto ah ay shaqeynayaan Hay’adaha ammaanka.

Dadka arrimaha amniga falanqeeya ayaa soo jeediyay si loo bad baadiyo dhiigga muwaadiniinta Somaliyed, waa inay si dhaw u wada shaqeeyaan Hay’adaha ammaanka iyo shacabka Somaliyed.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR