Shariif Xasan oo kulankiisii ugu dambeeyay la yeeshay Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed (SAWIRRO)

Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed ayaa shirkooda caadiga ahaa ku yeeshay howlka shirarka Wasiirada Madaxtooyada KGS ee magaalada Baydhabo.

Kulanka waxaa  shir guddoominayay sii-hayaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna Guddoomiyaha Golaha wakiilada Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, waxaana goobjoog ka ahaa Madaxweynihii hore ee  KGS Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shirka ayaa inta badan looga hadlay sagootinta Madaxweyihii hore Koonfur Galbeed  iyo dejinta shacabka ee u dheg taagaya xaalada doorashada Madaxweynaha.

Sii-hayaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada KGS Mudane. C/qaadir Shariif Sheekhuna ayaa yiri “Gorgortan kama gali doonto wax walbo oo shacabka iyo deegaanada Koonfur Galbeed dhib u keenaya ee shacabka ha is dejiyaan”.

Sideed maalmood kaliya ayaa ka harsan waqtigii lagu balamay qabsoomida doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ah 17-ja bishan.

Koonfur Galbeed ayaa waxa ay gashay jawi cusub oo siyaasadeed, kadib is casilaadii uu sameeyay Madaxweynihii maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR