Shax Sidee Ah Ayay Liverpool Ku Ciyaari Kartaa Hadii Ay La Soo Saxiixdaan Kylian Mbappe?

Kooxda Liverpool ayaa si lama filaan ah loola xidhiidhinayaa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Kylian Mbappe inkasta oo da,yar si joogto ah loola xidhiidhiyo kooxda Real Madrid.

Wargayska ElDesmarque ayaa sheegay in ay Reds xiiso u qabto in ay 215 milyan oo euro ku dalbato xiddiga reer France si ay ugu xoojiso kooxdeeda xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska Daily Express ayaa sheegaya in hadii uu heshiisku dhoco waliba Liverpool hesho saxiixa Mbappe taasi ay Mohamed Salah ku riixayso Real Madrid kuwaas oo xiiso u qaba saxiixa xiddiga.

Xiddiga reer France ayaa haatanba ku guulaystay koobka adduunka isaga oo da,yar ah waxana uu raadinayaa koox uu kula guulaysto tartanka champions League iyada oo Liverpool iyo Real Madrid xiiso u qabaan.

20 jirkan ayaa qirtay bilowgii xilli ciyaareedkan in uu raadsan doono tartan cusub oo uu ka qayb qaato inkasta oo ayna kooxda PSG wax niyad ah u hayn in ay iska iibiso xiddiga.

Wargayska Express ayaa sameeyay shaxda laga yaabo in ay Reds ku soo gasho Hadii ay hehso saxiixa Mbappe waxana uu xiddiga reer France garabka midig ka badalayaa Mohamed Salah.

How Liverpool could line up with Kylian Mbappe if Reds beat Real Madrid to £215m transfer

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR