Shax Sidee Ah Ayay Real Madrid, Barcelona & Atletico Madrid Ku Ciyaari Lahaayeen Marka Laga Reebo Xiddigaha Waajibaadka Xulalka Uga Maqan?

Fasaxa xulalka ayaa keentay in ay xiddigo badan oo horyaalka La Liga ah aadaan waajibaadka xulalkooda iyada oo ay kooxo badan oo horyaalka La Liga ah waayeen xiddigo muhiim u ah kooxdooda.

Marka laga hadlo 3-da kooxood ee ugu waaweyn horyaalka waxa jira dawr xiddig oo joogaya kooxohooda oo aan aadin waajibaadka xulalkooda.

Inaga oo taas maskaxda ku hayna waxa aan eegi doonaa sida ay noqon karaan shaxaha kooxaha Real Madrid, Barcelona & Atletico Madrid marka laga reebo xiddigaha kaga maqan xulalkooda.

Real Madrid:

Iyada oo Goolhayayaasha Thibaut Courtois & Alphonse Areola ay ka maqanyihiin Real madrid Goolhayaha da,yarka ah ee Diego Altube ayaa gali doona goolha halka uu daafaca Alvaro Odriozola noqon doono daafaca ugu khibrada badan daafac da,yar ah oo ay Real Madrid ku soo gali lahayd.

Si kasta ha ahaatee waxa ay tayo badan ku leeyhiin khadka dhexe iyo weerarka iyada oo ay xiddigo waaweyn oo kooxda ah ka hadheen waajibaadka xulka qarankooda.

Atletico Madrid:

Diego Simeone ayaa samayn lahaa is badal badan laakiin kumuu tiirsanaadeen xiddigaha da,yarka kooxda marka loo eego in ay xiddigo badan oo kooxda 1-aad ah joogaan kooxda oo aanay aadin waajibaadka xulalkooda.

Goolhaye Adan ayaa badali lahaa Jan Oblak halka xiddigaha Santiago Arias, Mario Hermoso & Felipe Monteiro ka ciyaari lahaayeen daafaca.

Xiddigaha Ivan Saponjic & Vitolo ayaa ka ciyaari lahaa garbaha halka ay xiddigaha Thomas, Koke iyo Maros Llorente khadka dhexe xoojin lahaaayeen.

Barcelona:

Valverde ayaa Neto ku badali lahaa Marc-Andre ter Stegen laaiin Barcelona ayaan khadka dhexe iyo daafaca ku haysan xiddigo kooxda 1-aad ah marka laga reebo Sergio Roberto iyo Jordi Alba laakiin weerarka ayay ku haysan lahaayeen Messi, Fati iyo Suarez.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR