Shaxaha Rasmiga Ah Ee Napoli Vs Liverpool, Cheslea Vs Valencia & Borussia Dortmund Vs Barcelona-Ayaa Kulamadan Ku Soo Bilawday?


Kulamo xiiso badan oo UEFA Champions League ah ayaa caawa ka bilaabanaya garoomada Yurub kadib muddo dheer oo ay jamaahiirta kubbada cagta aduunku u xiiseen tartanka xiisaha badan ee kooxaha Yurub.

Kooxda koobka Champions League difaacanaysa ee Liverpool ayaa marti u ah kooxda Napoli oo ay xili ciyaareedkii hore isku guruub ahaayeen isla markaana ay kulankii Italy guuldaro kala soo laabteen.

Kooxda Barcelona ayaa iyaduna marti ku ah dalka Jarmalka halkaas oo ay kulan xiiso badan kula ciyaarayso Borussia Dortmund.

Chelsea ayaa iyaduna Stamford Bridge ku soo dhawaynaysa kooxda reer Spain ee Valencia waana kulankii ugu horeeyay ee uu Lampard soo fadhiisan doono kursiga kaydka Chelsea isaga oo macalin ah kulan tartanka Champions League ka tirsan.

Haddaba halkan ayaanu idiinku soo ururinay shaxaha kulamada Champions League ugu xiisaha badan ee waqti dhaw la ciyaarayo.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Chelsea Vs Valencia:

Chelsea XI: Kepa; Tomori, Zouma, Christensen; Azpilicueta, Kovacic, Jorginho, Alonso; Mount, Abraham, Willian.

Valencia XI: Cillessen; Wass, Garay, Paulista, Gayà; Coquelin, Kondogbia, Parejo, Cheryshev; Rodrigo, Gameiro.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Borussia Dortmund Vs Barcelona:

Valverde ayaa go’aan ku gaadhay in aanu shaxdiisa ku soo bilaabin kabtankiisa dhaawaca ka soo laabtay ee Lionel Messi laakiin waxaa taariikh kale dhigay da’yarka 16 sano jirka ah ee Ansu Fati oo kulankiisii ugu horeeyay ee Champions League ku soo bilawday shaxda Barca.

Griezmann iyo Luis Suarez ayaa weerarka kala ciyaari doona da’yarka Ansu Fati halka De Jong uu isna kulankiisii ugu horeeyay ee Champions League uu shaxda Barca ku soo bilawday. Lionel Messi ayaa kursiga kaydka ku jira waxaana la filayaa in qaybta labaad uu soo gali doono.

Borussia Dortmund XI: Bürki – Hakimi, Akanji, Hummels, Guerreiro – Witsel, Delaney – Sancho, Reus, Hazard, Alcacer.

Barcelona XI: Ter Stegen, Semedo, Piqué, Lenglet, Alba, Busquets, Arthur, De Jong, Suárez, Griezmann, Ansu Fati.

Shaxda Rasmiga Ah ee Napoli Vs Liverpool:

Liverpool ayaa war fiican heshay kadib markii uu difaaca bidix ee Andy Robertson uu taam buuxa u noqday kulanka Stadio San Paolo ee Napoli iyada oo markii hore la filayay in James Milner uu difaaca bidix ku soo bilaabanayo.

Jurgen Klopp ayaan waxba ka badalin goolhayaha iyo afarta difaaca kooxdiisa Liverpool waxaana kuwada jira Van Dijk, Matip, Robertson iyo Alexander-Arnold.

Waxa khadka dhexe ku soo laabtay Jordan Henderson oo kaydka ku jiray kulankii Newcastle United wuxuuna ka ciyaari doonaa Fabinho iyo James Milner halka weerarka ay kuwada jiraan Salah, Mane iyo Firmino.

Napoli XI: Meret; Di Lorenzo, Manolas, Koulibaly, Mario Rui; Callejon, Allan, Fabian Ruiz, Insigne; Mertens, Lozano

Kaydka: Ospina, Llorente, Elmas, Maksimovic, Zielinski, Ghoulam, Milik

Liverpool XI: Adrian; Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Robertson; Henderson, Fabinho, Milner; Salah, Firmino, Mane

Kaydka: Kelleher, Wijnaldum, Lovren, Gomez, Oxlade-Chamberlain, Lallana, Shaqiri

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR