Shaxda Laga Yaabo In Uu Quique Setien Ku Ciyaaro Barcelona, Waxa Uu Soo Celinayaa Qaabkii Tiki-Taka.

Quique Setien ayaa noqday tababaraha cusub ee kooxda Barcelona isaga oo shaqada ka badalay tababare Ernesto Valverde oo shaqada laga caydhiyay kadib natiijooyinkii xumaa ee ay kooxdu heshay xilli ciyaareedkan.

Quique Setien ayaa lagu amaanaa qaab ciyaareedkiisa isaga oo ah tababare si weyn u qadariya kubada Tiki-Taka oo ay Barcelona ku shaac baxday marka loo eego hadalo uu tababarahan yidhi kuna soo jiitay taageerayaasha kooxda.

Quique Setien ayaa sheegay in uu taageero weyn u yahay qaab ciyaareedka Tiki-Taka oo uu Barcelona baray Halyeeyga reer Holland ee Johan Cruyff oo ah Aabaha Qaab ciyaareedka Tiki-Taka.

Setiens ayaa sidoo kale kooxda Barcelona ku soo kordhin doona qaab ciyaareed cusub marka laga hadlayo dhanka dajinta shaxda kooxda kulamada.

Tababaraha reer Spain ee 61 jirka ah ayaa ku ciyaara shaxda 3-4-3 waana shax ku cusbnaan doonta Barcelona marka loo eego in ay waligeed ku ciyaari jirtay shaxda 4-3-3.

Kadib markii uu heshiiska saxiixayay ayuu tababare Setiens maamulka kooxdiisa ka dalbaday in ay u keenaan badalka Suarez oo 4 bilood ka maqnaanaya.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in ay Barcelona u dhaqaaqayso xiddiga reer Uruguay ee Cristhian Stuani kaas oo ay u arkaan badal mustaqbalka dhaw ah.

Hadaba wargayska Mundo Deportivo qaybteeda luuqada Spanish-ka ayaa soo saartay shaxda uu tababare Quique Setien ku ciyaari karo inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR