Shaxda Rasmiga Ah Ee Barcelona Vs Valencia- Ernesto Valverde Oo Go’aano Adag Qaatay.


Barcelona ayaa Camp Nou ku soo dhawaynaysa kooxdii dhamaadkii xili ciyaareedkii la soo dhaafay ka qaaday Copa Del Rey ee Valencia waxayna Barca kulankan ciyaaraysaa iyada oo Valverde uu culays badan ka dareemayo natiijo xumadii kooxiisa.

Tababare Valverde ayaa markale shaxdiisa ku soo bilaabay da’yarka aduunka magiciisa sida sahlan ku baray ee Ansu Fati kaas oo weerarka kala ciyaari doona Antoine Griezmann iyo da’yarka kale ee Carles Perez.

Khadka dhexe waxaa kuwada jira Sergio Busquets, Frenkie De Jong iyo Athur Melo taas oo la micno ah in wali aanu hal kulan ku soo bilaaban xili ciyaareedkan xidiga khadka dhexe ee Ivan Rakitic.

Lionel Messi ayaa kulankan markale seegay iyada oo Valverde uu go’aan ku gaadhay in aanu wax halis ah galin kabtankiisa halka Luis Suarez uu kursiga kaydka ku jiro.

Laakiin Nelson Semedo oo dhaawac ku soo gaadhay kulankii xulkiisa Portugal ayaa si lama filaan ah shaxda Barca ugu soo bilawday wuxuuna difaaca kula jiraa Pique, Lenglet iyo Alba.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Barcelona Vs Valencia:

Barcelona XI: Ter Stegen, Semedo, Piqué, Lenglet, Alba, Busquets, De Jong, Arthur, Carles Pérez, Griezmann y Ansu Fati

Kaydka:

Valencia

Image

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR