Shaxda Ugu Fiican Bundesliga Xilli Ciyaareedkan Oo La Soo Saaray.

Horyaalka Bundesliga ee xilli ciyaareedka 2019/2020 ayaa si Rasmi ah u soo xidhmay iyada oo ayna wax lama filaan ah ka soo bixin kooxda Bayern Munich-na mar kale ku guulaystay horyaalka.

Kadib markii la soo afjaray horyaalka waxa lasoo saaray shaxdii ugu fiicnayd ee horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedka dhamaadka kaas oo ahaa mid xiiso leh.

Kooxda Bayern Muncih ayaa xiddigaha ugu badan ku lahayd shaxda iyaga oo 4 xiddig ku lahaa 11-kii xiddig ee ugu fiicnaa horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedka.

Kooxaha Borussia Dortmund, RB Leipzig, Borussia Mönchengladbach, Freiburg & Eintracht Frankfurt ayaa sidoo kale xiddigo ku leh shaxda ugu fiicna ee Bundesliga xilli ciyaareedkan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR