Shicib Beedka Oo Qaalliyoobay Kaga Jawaabay In Ay Joojiyaan Iibkiisa Iyo Shirkadihii Soo Saarayey Oo Ka Noqday, Raalligelinna Siiyey Macaamiishooda

Sicir barar ba’an oo muddo aan fogeyn ka dhacay dalka Argentina ayaa ka tegey qiso wax ku qaaadasho mudan, oo muujinaysa awoodda mucjisada ah ee shacabka. Sheekadan  waxa ay marag buuxa u tahay sida ay dadweynuhu u awoodaan in iyaga oo aan cudud adeegsan u muquunin karaan ganacsatada caadaysta in qiimahooda iibka ay ka dhigaan mid ay sida ay doonaan u fulin karaan.
Subax hore ayaa ay dadka reer Argeninta indhaha ku kala fureen warbaahinta dalka oo ka warramaysa heshiis dhex maray shirkadaha ka ganacsada hilibka digaagga iyo beedka oo dhigaya in ay qiimaha beedka si isku mid ah u kordhiyaan. Waxa ay heshiiskan gaadheen iyaga oo sida inta badan ka dhacda dunida saddexaad aan waxba iskaga tirin dareenka dadka macaamiisha u ah ee lacagtan laga qaadi doono.
Waxaa dhacday in dadka reer Argentina iyaga oo aan ku heshiin, haddana ay mar keliya ka istaageen qiimaha cusub ee beedka. Sida u uwarku sheegayo qof kasta oo suuqa yimaaddaa marka loo sheego qiimaha cusub ee beedka, waxaa uu go’aansanayey in uu halkiisa ku celiyo.
Warkii waa uu faafay, waxa aanay macaamiishu isu sheegtay in beedka ay kaba maarmi karaan, sidaa awgeed ay tahay in qof kasta oo iibsan jiray iska dhaafo, inta ay shirkaduhu dib ugu noqonayaan go’aankooda qiime korodhka. Xaflado iyo dibadbaxyo midina ma dhicin. Maalmo kaddib markii ay shirkaduhu damceen ina ay beedka iyo digaagga u qaybiyaan meheradihii laga iibsan jiray ayaa waxaa la yaab ku noqotay markii meherad kastaa ay u sheegtay in ay beedkii hore u hayso, oo weliba jeceshay in laga qaado, inta aanu xumaan, maadaama oo aanay suuf u haynin. Shirkadihii maalmo ayaa ay ka dareen sugayeen dadweynaha iyaga oo filayey in aakhirka qof kastaa iska iibsan doonin beedkii.
Waxa uu khasaare ballaadhani soo gaadhay shirkadihii digaagga iyo beedka, marka laga tago beedka xumaadayna, waxaa u dheeraa kharash koronto oo ku kordhay maadaama oo waxsoosaarkooda iska yaallaa aanu tallaagad ka maarmayn.
Markii ay ganacsaatii aragtay in aanay muwaadiniintu go’aankooda ka noqonayn. Haddii uu markii hore ku bilowday si shakhsiyaad ahna ay imika aad isu abaabuleen, waxa ay shirkadihii soo saareen go’aan cusub oo qiimihii beedka iyo digaagga dib ugu soo celinayaan halkii uu ahaa sicir bararka adduunka.
Sheekadii halkaas kuma ay dhammaan ee dadka reer Argentina waa ay sii wadeen xayiraaddii ay iska saareen iibsiga digaagga iyo beedka, maalin kasta oo ku sii korodhaana waxa ay ganacsatada ku ahayd khasaare iyo in ay kacaan meherado badan oo u qaabilsanaa sii qaybinta wax-soo-saarkooda.
Kulan labaad ayaa ay isugu yimaaddeen ganacsatada digaagga iyo beedka ee Argentina waxa aanay qaateen g’aan ay si rasmi ah u shaaciyeen oo ah in qiimihii beedka mar kale hoos loo sii dhigo, oo xitaa intii uu ahaa xayiraadda ka hor laga sii hoosaysiiyo. Intaas oo keliya ma’aha ee shirkadihii waxa ay garwaaqsadeen in dadweynuhu ka cadhaysan yahay hab-macaamilkooda kordhinta sicirka, sidaa awgeed iyaga oo ku hadlaya afka ganacsatada digaagga ee ugu waaweyn Argentina waxa ay go’aansadeen in dadka ay ka raalligeliyaan qaladka ahaa in qiimaha digaagga ay qaaliyeysiiyeen iyaga oo aan magaalada waxba uga sheegin. Markaas ayaa uu shacabka Argentina joojiyey xayiraaddii, oo uu si caadi ah u iibsaday digaaggii iyo beedkii.
Waa calaamad muujinaysa sida ay dadweynaha Argentina u yihiin dad aragti iyo fikir midaysan ka qaadan kara dantooda iyo in ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan ganacsatada danaystada ah iyo dawladaha hantigoosadka ee danaynaya uun faa’idada badan ee cashuurta u saarani u sii kordhayso.

Source-GSK

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR