Shirka Garsoorka dalka oo Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho

Shir sanadeedka garsoorka dalka ayaa maanta ka furmay  Magaalada Muqdisho ee Caasimadda, kaasoo looga hadlayo arrimaha xaaladda ah garsoorka iyo cadaalada dalka halka uu marayo.

Arrimaha shirkan looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah caqabadaha heysta garsoorka dalka, caqabadaha sanadkii tagay iyo sidii loo tayeyn lahaa  hay’aadddah garsoorka dalka, iyadoo  Wasaaradda cadaaladda ee dowladda federaalka ay ka warbixinayso xaalada garsoorka dalka.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya, Guddoomiyaha Maxkmadda Sare ee dalka , Wasiiro, Xildhibaano, xubno ka socda Maamul Goboleedyada dalka, Culimo iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Federaalka.

Inta uu socdo Shirka Shir sannadeedka Garsoorka dalka ayaa waxa khudbado ka jeedin doona Madaxda ka qeyb galeysa, wuxuuna socon doonaa sida la shaaciyay laba maalmood, waxaana lasoo gaba-gabeyn doonaa berrito.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR