Shirkadda diyaaradaha Imaaraadka Carabta ee Fly Dubai oo duullimaadyo caalamiya ka bilaabaysa Puntland

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed oo uu
weheliyo wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada, Xuseen Cismaan
Lugatoor (Gabiley) ayaa magaalada Dubai kulan kula qaatay madaxda shirkadda
duulimaadyada ee Fly Dubai.

Qoraal ka
soo baxay xafiiska madaxweynaha, ayaa lagu sheegay Kulankaasi looga wada hadlay,
sidii shirkadda Fly Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ay duulimaadyo uga samayn
lahayd garoomada diyaaradaha caalamiga
ah ee Puntland, maadaama ay dowladda Puntland leedahay Garoomo si casri ah u
dhisan laguna samayn karo duulimaadyo heer caalmi ah.

Madaxda Shirkadda Fly Dubai ayaa xustay in kulanka ay
la qaateen madaxweynaha Puntland uu yahay mid muhiimad gaara u leh, ayna soo
dhoweynayaan wada xaajoodka ku salaysan isku xidhka Puntland iyo Imaaraadka,
waxaa ayna balan qaadeen in ay wakhti dhow duulimaadyadooda ka bilaabi doonaan
Puntland.

Wasiirka wasaardda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley) ayaa sidoo kale  markuu kulanku soo idlaaday, kulan kale  la yeeshay madaxda shirkadda Fly Dubai, waxyna ka wadahadleen qaabka ugu macquulsan oo ay shirkadu wadashaqayn dhow ula yeelan lahayd wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, waxaana shirkaasi kusoo dhamaaday is afgarad.

PUNTLAND POST


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR