Shirkadda qalabka isboortiga soo saarta ee Nike oo la ogaaday kooxda ay ka caawinayso saxiixa Neymar Jr!

Waxaa daaha laga rogay kooxda ay tahay midda ay Shirkadda qalabka isboortiga soo saarta ee Nike ka caawinayso sidii ay ula soo saxiixan lahayd Neymar Jr.

Sida uu warinayo Wargeyska AS ee ka soo baxa dalka Spain, Shirkadda qalabka ciyaaraha farsameysa ee Nike ayaa qorsheynaysa inay ka caawiyo kooxda Real Madrid sidii ay ku heli lahayd xiddiga ugu qaalisan kubadda cagta Adduunka ee ka tirsan PSG Neymar Jr.

Shirkadda Nike ayaa diyaar u ah inay gacan ka geysto heshiiska ay Real Madrid ku heleyso laacibkii hore ee Barcelona Neymar jr, sida ay sheegeyso Jariiradda AS.

Madrid haatan waxa ay xayaysiin u samaysaa Shirkadda Adidas illaa 2020-ka waxaana sanadkii ay ka heshaa 40 Milyan oo euro, waana  lacag yar marka loo fiiriyo naadi sida Real Madrid u weyn.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Madrid ay jebin doonto heshiiska Adidas horraanta xagaagan, iyadoo Shirkadda kale ee Nike la filayo in ay la gasho heshiis ay sanadkii kaga helayso 105 illaa 155 Milyan oo euro, taasoo aysan ku jirin lacagta ay doonayaan in ay ku soo gataan Neymar oo ay ka caawinayso saxiixiisa.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR