Shuruudaha Musharrixiinta Guddoonka Baarlamanka Galmudug oo la shaaciyay

Guddiga
Doorashada Guddoonka Baarlamaanka cusub ee Galmudug, ayaa maanta shaaciyay Shuruudaha
laga doonayo musharrixiinta u tartamaya xilka Guddoonka Golaha Wakiilada
Maamulkaasi.

Shuruudaha
Guddiga waxa kamid ah; in qofka tartamaya leeyahay tacliin gaarsiisan Shahaado
jaamacadeed ama waaya-aragnimo u dhiganta iyo in uu leeyahay ugu yaraan 5 sano
oo waaya-aragnimo hoggaamineed iyo mid maamul ah.

Sidoo kale,
Shuruudaha waxa ku xusan in Tartamuhu uusan gelin fal-dambiyeed uu ku mutaystay
xukun maxkamadeed iyo in uu Guddiga Doorashada u soo gudbiyo Taariikh nololeedkiisa.

Musharrixiinta u
tartamaya xilka Guddoonka Baarlamanka Galmudug, ayaa laga doonaya in ay
barnaamijyadooda siyaasadeed u soo bandhigaan xildhibaannada cusub ee Galmudug
ka hor inta aysan dhicin Doorashada Guddoonka.

Dhinaca kale, Musharixiinta Guddoomiyaha, ayaa laga rabaa in ay bixiyaan lacag dhan $ 10, 000 Dollar, Musharrixiinta Guddoomiye ku xigeenka kowaad ayaa Iyana laga doonaya $5,000 oo Dollar, halka kuwa Guddoomiye ku xigeenka labaadna laga rabo $2500 oo Dollar.

PUNTLAND POST

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR