Sidee Kubada Cagta Noqon Laheed Hadii Roman Abramovich Uu Iibsan Lahaa Kooxda Arsenal Halkii uu Iibsaday Chelsea?

Milkiilaha kooxda Kubada Cagta ee Chelsea Roman Abramovich Ayaa Ku Dhawaaday Iibsashada kooxda Arsenal ka hor inta uusan iibsanin 2003-dii kooxda Chelsea.

Ninka Reer Russia Ayaa ah Tujaar qarashaad badan ka Faa’iiday Warashadaha Saliida Soo Saara Ee Dalkiisa Russia asagoo haatan ka mid ah dadka ugu qanisan ee kooxo leh dunida aan ku nool nahay.

Sido kale Abramovich ayaa isku dayay gadashada kooxda Tottenham oo iyana ka mid ah kooxaha ugu waayen ee ka dhisan gudaha England inkistoo loo sheegay in aysan xitaa Spurs iib ahayn.

2003-dii Roman waxaa u suurta gashay iibsashada kooxda Chelsea oo uu markaas ku iibsaday aduun lacageed gaaraya £140million  oo Bound, lacagtaan ayaa xiligaan la joogo ah mid aad u liidata maadama lagu iibsado qaar ka mid ciyaartooyda ciyaarta kubada cagta, tan iyo markii uu iibsaday kooxda Chelsea waxaa ay ku guuleesatay koobab badan oo qaarada yurub ay ka qaadeen 4-jeer oo Premier League ah, 4-jeer oo  FA Cup ah, 3-jeer oo League Cup ah, 1-jeer oo Champions League ah Iyo 1-jeer oo Europa League ah.

Hadii uu Arsenal Iibsan Lahaa Roman Abramovich Iyo Sida uu Xaalka Ahaan Lahaa Xiligaan:

1# Arsene Wenger  Ayaa Laga Raacdeen Lahaa Kooxda Asenal Xilli Ciyaareedkii 2004/05:

Milkiilaha Mayalka adag ee Blues Marnaba Uma Dulqaadan laheyn Qasaarihii uu Arsenal u Horseeday Ninka reer France ee Arsen Winger Waxa uuna Ahaan Mid Si Dhaqsi ah loo Raaceeyo.

2# Johan Terry waxa uu noqon lahaa Captanka Kooxda Arsena:

Kabtankii ugu waqtiga dheeraa Kooxda Chelsea John Terry ayay waqti wacan ku soo wada qaateen Kooxda Chelsea.

3# Arsenal Ayaa Noqon Laheed Koox Ku Guuleesata Tartamada Horyaalada Yuirub:

Gunners Ayaa Haatan ah Koob La’aan marki laga had

laayo Tartamada Horyaalada Yurub balse hadii uu Iibsan Lahaan Roman Abramovich Waxay Noqon laheed ku guuleesatay Champions League iyo Europa League.

4# Jose Mourinho Weligiis ma noqon laheen macalinka Chelsea:

Jose Mourinho ayaa hogaamin lahaa kooxda Arsenal Halkii uu ka Hogaamiyay Kooxda Chelsea Waayahiisa Labada Jeer.

5# Arsenal Ayaa Noqon laheed kooxda Labaad ee ugu Laha Badan Eplka:

Arsenal ayaa ku guuleesan laheed Shan Horyaal oo Waayaha Roman Hadi uu Noqon Lahaa Milkiilaha Arsenal Waxayna sidaas Ku Heesan lahaayeen 13+5 =  18-Horyaal.

Is Bar Bar Dhig Arsenal Vs Chelsea Tan Iyo 2003-dii markii uu Chelsea Gatay Roman Abramovich:

HORYAALKA PREMIER LEAGUE 

ARSENAL: ONE – 2003/4

CHELSEA: FIVE – 2004/5, 2005/6, 2009/10, 2014/15, 2016/17

TARTANKA FA CUPS

ARSENAL: FOUR – 2004/5, 2013/14, 2014/15, 2016/17

CHELSEA: FIVE – 2006/7, 2008/9, 2009/10, 2011/12, 2017/18

TARTANKA LEAGUE CUPS

ARSENAL: NONE

CHELSEA: THREE –  2004/5, 2006/7, 2014/15

TARTANKA CHAMPIONS LEAGUE

ARSENAL: NONE (RUNNERS-UP 2006)

CHELSEA: ONE – 2011/12

TARTANKA UEFA CUP/EUROPA LEAGUE

ARSENAL:  NONE

CHELSEA: ONE – 2012/13

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR