Sidee Loo Kala Sareeyaa Hogaanka Gool Dhalinta Horyaalka Spain Ee La Ligaha?


Messi ayaa u soo dalacay hogaanka gool dhalinta La Ligaha ee xilli ciyaareedkaan waxa uuna la hayaa Suarez.
Messi ayaa kooxdiisa u dhaliyay gool kulankii Cadez ee wareegga 24-aad ee La Ligaha .
Suarez ayaan gool dhalin wareeggaas 24-ka ka dib kulan ay la yeesheen Levante , hadaba sidee loo kala sareeyaa hogaanka gool dhalinta La Ligaha .
Suarez iyo Messi ayaa wada leh min 16 gool halka Gerrad Moreno oo Villa Real uu leeyahay 14 gool.
Youssef En-Nesyri oo u ciyaara Sevilla ayaa leh 13 gool halka Benzema uu leeyahay 12 gool , sidoo kale Alexander Isak oo Real Sociedad ah ayaa leh 12 isna .
Mikel Oyarzabal oo Real Sociedad ah iyo José Luis Morales oo Levente ah ay wada leeyihiin min gool halka Aspas-ka Celta Vigo uu leeyahay 9 gool.
Let’s block ads! (Why?)