Sidee madaxweynaha Jubaland loogu soo dhaweeyay Boosaaso?

Madaxweynaha Puntland dowladda Siciid Cabdullahi Dani mas’uuliyiin
kala duwan iyo boqolaal dadweyne ah ayaa madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka
diyaaradaha Boosaaso.

Shir ay Saxaafada u qabteen labada madaxweyne  soo dhawaynta kadib ayuu madaxweynaha
Puntland Siciid Cabdullahi Deni ka sheegay in ay maanta tahay maalin weyn oo madaxweynaha
Jubbaland uu booqasho taariikhi ah ku yimid Boosaaso taas oo cadayn u ah
iskaashiga iyo Xiriirka wanaagsan ee labada dhinac ka dhexeeya waxaa uu intaas
ku daray in ay ka wada shaqaynayaan ilaalinta iyo dhaqangalinta hanaanka
Federaalka ah iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in Jubbaland lagu yaqaano Sida ay
uga shaqayso Midnimada Shacabka Soomaaliyeed iyo doorka ay ku leedahay dagaalka
adag ee lagula jiro Argagixisada taas ayuuna sheegay inay tahay wax weyn loo in
lasii joogteeyo u bahaan.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam
ayaa sheegay in mudo dheer kadib ay tahay markii ugu horaysay ee uu yimaado
Boosaaso oo ka badalan sidii uu ku yaqaanay waxaa uu sheegay in ay hormar la
taaban karo samaysay Magaaladu.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in Puntland iyo Jubbaland ay ka wada shaqayn doonan sidii loo sii adkayn lahaa xiriirka labada dhinac ee iskaashiga ku dhisan iyo sidii ay door muuqda uga qaadan lahayeen hormarka dalka gaar ahaan Arimaha nabadgalyada iyo Federaalka oo ay tahay in lasii xoojiyo sida uu Madaxweynahu sheegay.

Halkaan ka daawo muuqalka iyo sawirada

PUNTLAND POST

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR