Silsiladdii Gorgorka: Q.7aad (WQ: Cabdikariin-Xikmaawi)

Talaba Allaa lehe, silsiladdeennii cajiibka ahayd ayaynnu marba dhinac ugu mushaaxaynaye, bal hadda markanna jilib culus siyaalo kala duwan midba fallaadhaha murtitiisa u gannaayo aan soo qabto. Ugu horraynba se aan wali xusuustiinna ku ilaaliyo in aanay silsiladdani kaftan dhaafsiisnayn, maankiinana aan ku xasiliyo xifaalaha hodanka ah, iyo sida wali carrada rag ugu noolyihiin.

Intaasi wayga araarre, bal hadda tolaw markanna giraantu xaggee ayay innala leexaysan doontaa?!! Bal hadda ila arag.

Tixdii afraad ee silsiladdeennan oo kaftan badan lahayd, tiriyayna nin Axmed Guruuje la yidhaahdaa, ayay rag badanni siyaabo kala duwan ilaa hadda uga falcelinnayaan. Mar kale aan ku xusuusiyo e, Axmed waa ninka silsiladda xamaasadda u yeellay, ninka se silsiladda bilaabay waa Mustafe-Khaliiji, oo reer Burco ah.

Sidaas kolka ay sheekadu tahay, waxa markan gabay dibaaqis ah hawada ku soo laliyay nin la yidhaahdo: Mukhtaar Cabdi Axmed, oo ku nool magaalada Hargaysa. Mukhtaar waa arday jaamacadaha dalka midkood wax ka barta, hayb ahaanna waa nin Ayuub ah, oo ka sii ah Habar-Siciid. Mukhtaar gabaygan waxa uu ku halgaadayaa ninka la yidhaahdo Axmed Guruuje, oo horre gabay uu tiriyay ugu daray:

Haddii aan Xirsi Cismaan ku dilin, xodoyo guudkooda
Oo xaraf xanfalay gashaan, lagu xadreeyeenne
Sacad Muuse tay uma xidheen, haaddu xagataaye
Makaahiila uma xiiq tir teen, tan iyo xaafuunne
Ciise muuse xoog kuma dileen, qoollay xaadira e
Ayuub baan xafuujeen tukaha, oo xarbiya waaye
Arab xuurto kuma soo qabteen, xuurta baalka lehe
Haddaan xoogga habar yoonis qaban, lama xammaasheen

Mukhtaar waxa uu si gaar ah hoosta uga calaamadsanayaa meeriska reerkooda jiidhay–ee odhannaaya:

Ayuub baan xafuujeen tukaha, oo xarbiya waaye

Sidaas awgeed ayaannu gabaygan u tirinnayaa, waxaanu leeyahay ‘Axmeddaw waad nagu gaftaye, nimankayagaas Ayuub rag shinbirro, horor iyo haanraawe kastaba u quturi kara ayaannu nahay, xiniinyo cadaanta iyo raganimadana sheekh Isaxaaq ayaa nagu dhalay. Nasiib wanaag haddii se aan Alleba haadda nagu salidin, dee dunuubteenna ayuunbaa keentay masiibadane, aynnu Alle u soo wada noqonno’ tiraabta caynkaas ah, Mukhtaar oo maanso ahaan u tidcayaa yidhi:

Gurjoow xantiirada gafkiyo, xinifta aad sheegtay
Ee tidhi ayuub waa xunyoo, xuurta qaban maayo
Waa niman xiniinyo leh haddaad, moodday xaabada e
Xayawaanka duudiyo libaax, xadhigga soo goosta
Waa niman xabaalaha ku rida, oo xanaaq kululle
Xanfaleey hadday soo dagtoo, xaaqdo dunidoo dhan
Xabbad niman ku liishaami kara, xoogna kuba laaya
Oon xawli uga yaacahayn, xaajigaa dhalaye
Mar haddaan xakiim nagu salidin, xuurta iyo haadda
Oon xawda yili naga idlayn, waa xamdi illaah e

Afartaa intaan xeelad dagay, xadhigga maw jiiday
Xeerkii abwaan lagu ogaa, maw xusula duubbay
Xa’da aan turxaan lagu ogayn, mawga xagaf siiyey
Afarkalena waa xubinta gabay, xiise galintiisa

Kitaabkii markaan xoornay, een xafidi waynay
Xukun gaalo goortaan bidnay, een xaslani waynay
Dambiguna xad dhaaf uu noqdiyo, xoorka badaheenna
Xiddigaha markuu gaadhay baa, xuur la soo diraye
Xisaab iyo qiyaamaa dhawoo, xaalku waa gibine
Xasanaadka xoogsada intaan, xawdu idin dhaafin

Mukhtaar Cabdi Axmed

Mukhtaar kolka uu halkaas sheekada dhiggay, waxa isaguna mabdi’iisa mid ku dhaw Burco kaga alaladay nin la yidhaahdo: Jaamac Xasan Maxamed, oo ku magac dheer (Jaamac -Shaacir) Jaamac waa nin reer Burco ah, waana sheekh weyn oo dadka magaaladu si wacan u yaqaannaan in badan. Waa nin mudakara, waana macalim culuumta diinta ka hiddiya maxaa’iidda Burco qaarkood. Hayb ahaanna waa nin Habarjeclo ah, oo

Jaamac isaguna waxa uu leeyahay ‘kolkii aynnu cabsidii Alle iyo cinaadadiiba ilawnay, ayay shinbiruhu innagu soo xaydeen. Ma waydaan xusuusnayn qoomkii xabashida ee kabcada ku duullay, iyo waxa ay haaddii Alle soo diray ku samaysay?!! Alle ha loo soo laabto, isaga ayaana dulbadane ah, danbidhaaf ha la wayddiisto’ ayuu Jaamac leeyahay. Waxaanu yidhi:

Xikmadaha ilaahay wataa, waa xamdaw mahade
Isagaa xukuma uumiyahan, xaadir looyahaye
Xakamaha isgaw hayoo, xarafna seegaynne
Xayawaanka uu soodiraa, malaha xayndaabe
Xabashigii kacbada weeraree, xaqa ku duulaayey
Xaasidkii Abrahe maalintuu, tabiyo xoogsheegtay
Xirfadiyo awoodduu lahaa, xaramka soo dhoobay
illaahay xaggiisaa shimbirro, looga sooxulaye
Iyagoo xaamaasooday oo, waliba xayn xayn ah
Xajarkay kusoo tuurayeen, laga xawaareeye
Xaddigii maroodigu lahaa, xiiqyey orodkiiye
Xarbigii illaahay wataan, xeelad leeheline
Xuurtaa lasoo sheeggayee, samada xiimaysa
Xoolaha dadkii raacayiyo, ubadka xaaqaysa
Xasadkiyo dunuubtaan gallaa,
Sababay xaajoow we
Rabi baa xaliimee nafluhu, xumo madaayaanne
Adigaa xafiidee rabboow, naga xijaab maanta

Jaamac Shaacir

Gabaygaas kolka uu abwaan Jaamac halkaas kaga gig siiyay, waxa isaguna gabay qiimo badan tiriyay nin la yidhaahdo, Deeq Cabdi Maax. Deeq waa nin gabyaaya–oo cajiib ah. Waa nin ganacsade ah, oo ka shaqaysta magaalada Burco. Deeq waxa uu abti ruma u yahay ninka silsiladdaba bilaabay–ee Mustafe-Khaliiji. Deeq hayb ahaan waa nin Habaryoonis ah, oo Muuse Cabdalle ka sii ah.

Deeq gabaygan waxa uu kaga warramayaa xaggii culimada iyo siyaarada. Horre ayaynnu u soo sheegnay in ragga qaarba ay meel ka fad-kudinnayaan, sidaas awgeed ayuu abwaankannina gabaygan xaggaas ugula kacayaa. Deeq inta uu Mustafe ku soo hal-qabsado, ayuu uga awaal-warramayaa waxa uu qabo, waxaana uu leeyahay:

Mustafoow gayiga waxa ka dhacay, xaajo gooniyahe
Gorgor baa lasoo sheeggayaa, guray carruurtiiye
Gaashaamo waa laga qaxiyo, gubaddadii hawdde
Gool iyo libaax baan ogaa, geela raadsada e
Tani waa wax noosoo galiyo, xaajo gooniyahe
Gaashaanka wada qaata oo, gaadhna ka ahaada
Guryahana ducaa lagu ogaa, haatan laga guurye
Gugoo hoorray geedaha bixiyo, nabad la gawdiiddo
Odayaal go’ aan kuun ridoo, geesiyaa jiraye
Golayaal ardaayaa badnaa, gogoli ay tiile
Mawliidna gooni u ahaa, gu iyo dayrtiiye
Arday loox ku wada gaadhan iyo, culimo guuraysa
Oo intuu kitaab garabka sudho, geedka ula baydha
Aamiintu gawlayn jirtaa, gaarufoow jiraye
Guunyo kaan lahayn iyo miskiin, geesta laga dhaafye
Waxa gudhay gasiinkii martida, gaarka u ahaaye
Gocor iyo nin liitaa u kacay, garanna maysaanne
Haddii aan ka gees iyo ka gees, duco lagaadhsiinnin
Oo aan gacmaha Eebbe iyo, guulle lagu tuugin
Oon Maxamed goortii kastaba, garan inaan raacno
Oo aan salliga laga gam’inne, goorkastaba dhawrrin
Markaasaa galaydh ina cunniyo, cadawba guuraaye
Haddii kale yaryaradaa ku-guran, waa gafkaa dhacaye

‘Culimo, Arday, Xer, Alle bari iyo ducaysasho ayaa jiri jiray, intaasba se kolkii la jaray, ayuu Eebbe haad iyo haydaarto kalaba ina baday’ ayuu leeyahay abwaanku. Intaas uun se kuma ekaynnaayo warka e, waxa kaluu leeyahay ‘haddaan iminka lays badh qabanin, oo aan Alle loo soo laabanin, haadda iska daaye, walee in ay yaryarada shinbirta la yidhaa inna guran’!!

Ga’da ga’ deeda inta aan ka miiso, Burco ayaynnu taagnaynne bal hadda aynnu bari uga sii soconno. Inta aynnu waqooyi Sanaag isku majiirno, bal hadda aynnu markanna Badhan iyo carro Warsangali ka war doonno. Waa xamaasadda silsiladdu leedahaye, Bari iyo galbeed iska dhaafoo, ilaa Jayne ayay gantaalaha riddada dheer rag ka soo garaacayaan!! Oo ma anigaa dadkan indhaha isku saaray?! Xaasha, aniga maaha e, ninba dhawrkii cisho ee kaftanku socday, oo wadhiisa ku cabbirray erayo kooban, iyo odhaan qiimo leh.

Waa sidaase, bal hadda aan u yeedho nin la yidhaahdo Saadaad C/qaadir Maxamed, oo ku magac dheer Saadaad-Shiine. Saadaad waa nin darawaal ah oo iskii u shaqaysta. Hayb ahaanna waa Warsangali, kana sii ah Cumar, oo ku dhashay, koray, kaalingalay magaalada Badhan. Saadaad Waxa uu leeyahay:

Gacantay idiin saarantahay guriyo, khayraadde
Hadba geed waxaad beerataad, miro guddoontaaye
Illaahay addoon kuma gafeen, xarigga aan goynne
Guta khayrka ruuxa gees maruu, naarta geliyaaye

‘Markii aynnu dhammaanteenba xaqa gees marnay, ee aynnu hawadeenna iyo shaydaanka la bardoodtannay, ayay masiibadu inna heshaye, bal ummadyahay aynnu Allaheen u soo laabanno’ ayuu Saadaad leeyahay, arrimahaas iyo ka badan isaga oo ku maansoonnaayana wuxu yidhi:

Guluf iyo colaad nimanyahoow, galab lasoo sheegay
Oo adiga kuu soo guntaday, cududo goyntaada
Oo soo gurdamayoo dharaar, adi ku goobaaya
Gumuc iyo haddii ay sitaan, qori la gaadaysto
Kaariyo gantaal weerariyo, guuto hurinneysa
Adiguna gabaahiir cidla ah, galangal aad joogto
Gabbaad qura haddii aanu jirin, geedad lagu dhuunto
Gaanleef midiya aanad sidan, gudinna aad weydo
Gacan qabad kol ay ulo ku tahay, goobta laga waayo
Gadiid-maalin goor leyl ahiyo, gelin dhexaad jeer ah
Gurdan baxay gariirkiis kolkaad, mashaqo gowdiisa
Ama guruxa aad saarto oo, aragto guulaamo
Afartaada geesood markii, lagu gadaameysto
Go’aan talo marbaad yeelataa, mirirro gaadhaaye
Ama gowrac baad aamintaa, iilka loo galo e
Ama carar ayaad garabsataa, kula gudboon jeere
Ama gobanimaa loo dhintaa, dirir ayaad gaysan;

Marbaa cadowgu gacal kuu noqdaa, guulle idamkiisa
Galiilyada qalbigu kaa hartaa, gubashadii uurka
Balse haad guryaha weeraroo, gabanadii laastay
Gorgor samada guudkeeda sare, soo gabraday maanta
Galayr xuunsho aan laga gam’ayn, mici la gaafmeera
Waa calaamad ii gaar ah oon, laga gayoonneyne
Soomaalidu waxay galabsatoo, loo gundhigay weeye
Garwaaqsada waxaad gaysateen, waydin garaneyne

Gacantay idiin saarantahay guriyo, khayraadde
Hadba geed waxaad beerataad, miro guddoontaaye
Illaahay addoon kuma gafeen, xarigga aan goynne
Guta khayrka ruuxa gees maruu, naarta geliyaaye
Kan garaysan waxaa loo goglaa, guro fardowsaad e
Aar gudasho weeye qisadu, amarka guudkeenna
Is gartaay gargaar Eebbahaa, laga gundhays taaye

Saadaad haddii uu tixdaas Badhan ka soo ka soo giraangiriyay, waxa isaguna gabay kaftan ah Jaynaha (China) ka soo tiriyay nin la yidhaahdo Qorane wacays oo ku magac dheer Gabayxoog. Ninkanina waxa uu dhankiisa ka xoojinnayaa kaftankii iyo xifaalihii horre, ee silsiladdeennan bud dhigga u ahaa. Gabayxoog waa nin Habaryoonis ah, haddana ku nool dhulwayennahaas Jaynaha.

Abwaanku gabayga kolka uu inta horre hawaallo-warran ka dhigo, inta danbe waxa uu leeyahay ‘haadkan duulayaa afar xaalo bal mid uu yahay ha la soo hubsado.

1- in dhalo laga laayay,
2- In uu yahay mid Xamar laga soo diray,
3- in ay qoladan Xuutiyiintu adeegsannayaan
4- Ama imtixaan Eebbe yahay

Afartaas xaalo bal ka uu yahay guurti ha loo diro, ilayn in haadkii duulaba la toogtaa xal keenni mayso e, waxaanu yidhi:

Dagaalkaa xadhkaha goostay, ee Xuunsho lagu qaaday
Kolay Xuur Ku tahay Maxamadoow, xaaluf baladkiiye
Haddii aan xal loo helin baryahan, xaalku waa halise
Xabad joojin iyo waxa ay rabtaa, xaajo nabadeede
Haadka samada xiimaba intaan, xulad la leefsiinin
Isba xaakin waw baahanyahay, inaan xaq siinnaaye
Afar xaaladood kii uu yahay, balaan xogteed baadhno

Xeru-dhalad inuu yahay dhal iyo, xuuko laga laayay
Inuu yahay mid xayraanna–oo, Xamar kasoo doolay
Ama yahay mid xuutigu watoo, xeebtii duminaaya
Ama yahay xujayn iyo ganaax, xaal rabaaniya
Xeerbeegti dira waa intooy xaluun, ka gaadhaane!

Gabayxoog

Maxaa dhici doonna?

La soco qaybta 8-aad.

W/Q: Cabdikariin-Xikmaawi

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR