Sinaantii La’eeday Qaybta Labaad (WQ: Yuusuf Hayd)

Qaybtii kowaad waxa aan ku eegnay nolosha Xamar siday ahayd marku Kacaankii 21 Oktoobar ku dhawaaqay sinaanta ragga iyo dumarka. Waxa aan halkii ka siiwadanayna is xasuusinta dhaqnkii Moqdishu yaalay waqtigaas.

Sannadahaas magaalada Xamar lagama aqoon qabyaalad. Dadku waxay isu raaci jireen ama u saaxiibi jireen kolba sida ay isu fahmaan. Badanaaba waxa rafiiqi jiray bulshada dugsiyada ama dada meel ka wada shaqeeya oo inta badan aan midna aqoon kankale cidda u yahay.

Guryaha Xamar waxy u badnaayeen ganbasyo ka kooban qolal badan. Qolba waxa degi jiray reer laga yaabo inay carruur badan wataan, ama dhallin dhawr ah. dadkaas waxa ka dhexeeyay hal musqul oo laga yaabo inay isticmalaan 20 ilaa 30 qof. Magaaladu biyo galin ma lahayn oo reer walba waxa qolka u hor yaalay ashuun ay biyaha ku shubtaan. Reeraha biyaha Waxa u shubi jiray biyoolayaal ka soo dhaamiya ceelal qodaal oo xaafadaha ku dhexyaalay oo ay dad gaar ah lahayeen oo biyaha iibiya. Guryuhu ma lahayn kushiin oo reer walba qolkooda hortiisa bey girgire wax ku karsan jireen. Reeruhu awood umay lahayn inay raashin badan guriga soo dhigtaan ee reer walaba aroortii buu danbiil suuqa ula kalihijiray oo raashin maalinle ah ku soo ridan jiray. Qashinka reer walba guriga hortiisa buu god uga qodi giray oo ku aasi jiray. Haddii reer guurayo waxa magaalada gaadiid u ahaa gaaridameero.

Bulshadu waxa ay maararowdo ma haysan. Qadada ka dib qofkaan qayilayn waa seexan jiray. Galabtii, ragu caag biyo ah oo musqusha loo geeyay markay isku shubaan, waxay fariisan jireen makhaayada horteeda oo ay ku sugi jireen dhegaysiga idaacadda BBCda. Radio Mogadishu oo dadku u bixiyeen ‘i dhegayso ama hay dhegaysan’ oo baahinteedu u badnayd ‘Hannuunita Kacaanka’, dad badani ma dhegaysan jirin. Shaacu marku madoobaado ragga qaarkii, haddii shilimaad ku haray, waxay tegi jreen mid ka mid ah dhawr sinime oo magaalada ka jiray oo filimo gaboobay soo bandhijiray (Italian spaghetti movies). Dumarku waxa ay badanaaba ku sheekaysan jireen salaxyo guryahhooda ku hor yaal. Qoysaska wada nooli waxa ay u badnaayeen dad aan qabiil rumaysnayn oo aamminsan xaqa jaarka, oo is caawiya, oo dheef iyo dhibba wadaaga. Naadir bey ahayd xurguf iyo dagaal ka dex dhaca dadkaas. Magaaladu waxy ahayd nadiif aan qashin lagu arag, waana sabahta loogu bixiyay ‘The White Pearl of Indian Ocean’.

Guurku wuxu ahaa qof iyo dookhiis, qabiilkuna wax kaalin ah kuma lahayn. Taasi waxay keentay in dadkii Waqooyi ka yimi iyo dadkii Koonfur loogu yimi ay aad isu dhegxgalaan. Waxa dhacday in qoysas badan oo aan isku degaan ahayn ay isbartaan oo midwaliba deegaanku ka soo jeeday sheegto – waxa aan ahay reer Hargaysa, ama bosaaso, ama Baydhaba ama Jigjiga, iyo wax la mid ah. Haba yaraate qabiilku wax saamayn ah kuma lahayn isdhexgalka dadka iyo abuurista xiriirka xididnimada.

Aniga naftaydu markii xaskaygu i baraysay reerkooda, waxa i raacay nin aan saxiib nahay oo anaan isku qabiil ahayn. Reerka aan u tegay iyo ninkuna isku qabiil ma ahayn. Magaalada waxa joogay walaaladay, adeeraday iyo tol kale oo badan. Waxaase aan kaga kalsoonaa oo aan isku sheeko ahayn saxaybkay, waxana laga yaabay in reerka xaskaygu inay u haysteen in ninka ila scodaa aan isku qabiil nahay. Su’aasha jawaabta u baahani waxay tahay, ‘ haddii xiriirka dadka Xamar sidaas ahaa, maxaa keenay qabyaalada maanta la caabudo ee dadkii kala dishay ee kala irdhaysay?’

Dawladu, xilkii saaraa ee fulinta sharciga, xallinta khilaafka, iyo fidinta adeega, inkasta oo ay ahayeen caato, way fulisay. Shariciga waa loo hoggaansamay, maxkamadu waa shaqo galeen, bulshaduna adeeg badan bey heshay. Waxa hawl galay gobo caafimaad oo badan, waxase dawladu xoogga saartay dhinaca waxbarashada oo ay khasab ka dhigtay in ilmo waliba dugsi tago.

Waxa ay u ekayd in dawladu aamminsanayd inay awooda dumarka iyo dhallinyarada inay mabda’eeda Kacaanka ay saldhig u yihiin oo ay ku meel marinkarto. Damarka in badan oo ka mid ah baa ku xirantay golayaasha hannuunita oo dayacay xilkii ka saaraa guryahooda, ragooda iyo carruurtooda. Kuwo badan waxay ku gacansayreen ragooda waxayna u go’een goloyaasha hannuunita dadweynaha. Raggu ma qaadan karin kaalintii dhaqanka ee ragu lahaa, iyaga ka baqanaya in lagu tilmaamo ‘Kacaan Diid’ oo dhibaato loogaysto. Dumarku awooda ay heleen waxay u adeegsadeen siyaabo badan oo khaldan. Mark awoodoodu la simantay tan raga waxa loo bixiyay ‘Cali Xiniin’. Kacaanku waxa u abuuraay kooxo badan oo ay ugu weynayd kooxdii Waaberi oo furfuray xadhkihii isu hayay dhaqan iyo caqiidada bulshada.

Danbiga ugu weyn waxa laga galay dhallinyarada. Manhajkii dugsiyada waxa lagu daray maaddo cusub oo la yirahdo- Cilmiga Bulshada, oo ahayd mabadii’da Kacaanka, waxana hoos loo dhigay maddadii Diinta. Ardaydii waxa lagu soo rogay inay xirtaan uniform inkasta oo aan la eegin in waalidku awoodaan ama ardaydu raali ka tahay. Gabdhihii waxa loo xiray sarawiil, gabadhihiina markay kubbada ciyaarayaan, waxa loo galiyay sarawiil gaagaaban iyo shaarar yaryar oo carwadoodu muuqata. Waxa la abuuray maharajaano macallimiinta looga keenay Koonfurta Kooriya oo gabdhaha iyo wiilashuba habeenkii ay ka maqnaanayaan guryahooda, waalidkana aan loo sheegin meesha ay joogaan. Waxa abuurmay baqdin in waalidka xabsi loo taxaabayo haddii ilmahooda ay ka reebaan ‘Nashaadka Kacaanka’ oo lagu oogayo kacaan diidmo.

‘LA SOCO QAYBTA SEDDEXAAD’

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR