Somaaliyeey! “ Colka waraf malagu dayay?“





Mahmud Dahir Aweis

Wednesday, July 11, 2018

Xaalka dalka Soomaaliya wuxuu marayaa meel aad iyo aad u adag dhinac walba. Cidna kama qarsoona heerka aadka u hooseeya ee amni iyo nololeed, gaar  ahaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Waxaa muuqata in xaalku maalinba maalinta ka dambaysa ka sii darayo oo qof waliba oo Ku nool koonfurta, gaar ahaan magaalada muqdisho, naftiisa iyo maalkiisuba xilli walba bartilmaameed yihiin ama noqon karaan. 


Amni xumida waxaa ka dhashay horumar la’aan dhinac walba oo nolosha taabanaya  sida dhaqaalaha, siyaasadda, iyo arrimaha  bulshada.


Sida la wada ogyahay, jaahwareer badan kadib waxay beesha caalamku garowsatay in ay lagama maarmaan tahay in Somaliya loo dhiso haykal dowladeed si caalamku ugala xiriiro arrimaha somaliya. Waxay beesha caalamku Soomaaliya ku bixisay kharash aad u farabadan oo gaaraya balaayiin dollar. Lacagtasi waxaa   loogu talogalay, sida qorshuhu ahaa, in lagu dhiso hay’adaha duwaliga ah si dadku u helaan adeegyo  noloshooda wax ka badala, hoosna u dhiga geeddi- wadareedka ay dadku dalka kaga cararayaan. 


Hase ahaatee  hurumarka laga gaaray arimahaas waa kuwo aad iyo aad u yar.  Waxaana la oran karaa xaalku aad ayuu u cakiranyahay, waaana lagama maarmaan in la raadiyo xal siyaasadeed oo baajin kara in dhiig kale sii qubto, la barakiciyo dad barmagaydo ah, Lana baabi’iyo hantida shacabka soomaaliyeed. 


 Beesha caalamku waxay Soomaalida ku wargalisay in ciidanka AMISOM baxayaan waqti aan dheerayn, mana muuqato in somalidu isu diyaarisay in ay la wareegto masu’uuliyadda amniga dalka. Iskabadaa in Somalidu  amni la wareegtee, AMISOM ayaa baajisay in dhiig Ku daato ismariwaagii iyo xarig jiidkii dhexmaray xukuumadda iyo golaha shacabka, taasi oo muujisay dhicisnimada dowladnimada Soomaaliya.


Waxaan qarsoonayn in  qaybaha Kala duwan ee  maamulka federaalku,fulinta iyo sharcidejinta, hawada isu marinayaan dhambaallo laga dhadhansankaro caadifad qabali ah.


Waxaa caado noqotay in labada dhinac ee maamulka federaalku  had iyo jeer hadallo hanjabaad ah isugu duurxulaan iyagoo aan marna ka dhowrsan adeegsiga  erayo  kicin iyo isugu jira xasarad abuur,  kuwaasi soo si aan la dhayalsan Karin u soo  nooleeyay  dhacdooyin hore u dhacay oo ay dadku indhawaalahanba  saamayntooda  ka soo kabanayeen.


Ismariwaagu kuma eka mamulka federaalka ee waxaa Iyana meelo dalka ka mid ah ka bilowday colaado ka dhex taagan maamulada dalka ka Jira sida dagaalka Somaliland iyo Puntland ee ka  socda deegaanka tuko-raq.  Waxaa  sidaasi si la mid ah ismariwaa ka taaganyahay  madaxda maamulka  Galmudug oo isna u muuqda mid gabi ka laalaada oo faraha ka sii baxaya.


 Waxaa intaa dheer, in dhulka badankiisii  ka maqanyahay gacanta maamulka dowladda federaalka. Waxaa iyana meesha ku jirta in aan dadka la diiwaan galin lana samayn aqoonsi qaran si dadku isugu diyaariyaan doorashada 2020.  Ma muuqato in ay Soomaaliya ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah 2020, taasi oo mugdi sii galinaysaa hannaanka geeddi- socodka dhismaha   dowladnimada Soomaaliya.


Haddaba, Si dalka nabad loogu soo dabbaalo, waxaa lagama maarmaan ah in la raadiyo xal nabadeed oo lagu soo afjro colaadda ragaadisay nolosha dadka soomaaliyeed. Colaadda ugu saamaynta badani waa tan dhextaal maamulka Federaalka iyo ururka Al- Shabab waana tan hortaagan hirgalinta mashaariic muhiim u ah nolosha dadka soomaliyeed. Cidna kama  qarsoona  in xukuumadihii isaga dambeeyay maamulka dalku Ku guuldaraysteen xal amni oo lagu badbaadin Karo dadka soomaaliyeed.


Waxaa  in la ishaaro mudan in qarnigii dhamaaday iyo Kan socdaba dagaallo waqti dheer socday oo dhexmaray  duwal iyo jabhado kuwaasi oo aad ugu kala fogaa xagga caqiidada iyo fikirka siyaasiga ah intaba ugu danbayntii wada hadal lagu xalliyey loolankoodii kagadaal markii beesha caalumku soo faragalisay .Waxaana tusaale loo soo qaadan karaa: dagaaladii ka dhacay  Jaziiradda Aceh ee dalka Indonesia, waqooyiga Ireland , Colombia, Lubnan, iyo waliba heshiiskii Oslo ee PLO iyo Esraa`el. Waxaan kaloo maanta  aragnaa wadahadallada u bilaabmay una socda wadamada Maraykanka iyo Waqooyiga Kuuriya.


Waxaa kale oo tusaale noqon kara  wadahadallo hore u  dhexmaray xukuumadda Afganistan iyo ururka  Taliban wada hadaladaas oo sababay  hoos  udhac ku yimid iskahorimaadyadii u dhexeeyey  dowladda iyo Taliban;  Waliba sida warbixinaddda qaar ku qoran  ururka Taliban wuxuu ogolaaday in ay nabad galiyaan wixii mashaariic horumarineed ah ee laga fulinayo dhulka ay ka howlgalaan.


Si loo hubiyo in wadahadalku mirodhal noqdo waa in laga qayb galiyaa cid waliba oo saamayn ku yeelan karta  arrimaha Somaliya sida:


1- Culimada Soomaaliyeed iyo Culimada kale ee caalamka islamka sida Xaramaynka iyo Azhar.


2- Duubabka Soomaalida


3- Dowladda Maraykanka


4- Dowladaha Carabta sida Sucuudiga, Masar iyo Emaratka carabta


5-Turkey


6- Midowga Yurub iyo dowladda U.K


7- Dowladaha gobolka gaar ahaan kuwa ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.


 Dadaaladaas waa in ay barbar socotaa in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay garwaaqsato masu’uuliyadda sida gaarka ah uga saaran samatabixinta, ilaalinta , iyo iskuwadista danaha isdiidan ee dadka soomaaliyed, waana in maanka lagu hayaa in dadka soomaaliyeed yihiin isma hurto   aan marna kala maarmi karin. Sidaasi si la mid ah waa in wakiilada shacabka eek a ra`yiga duwan golaha fulintu ka fogaadaan wixii sii adkayn kara xaalka cakiran ee dalku marayo ayna muujiyaan taxaddar dheeraad ah. Waana lagama maarmaan in wixii aan la huri doonin hadda la yeelo ee la dhuuxo oraahda soomaaliyeed “colka waraf malagu dayay?” oo dulucdeedu tahay in wax waliba oo suurogal ah la isku dayo si looga gudbo xaalka adag ee lagu jiro .


Waxaan rajaynayaa in wadahadal lala furo ururka Al-shabab uu horseedi doono nabad waarta oo ka dhalata gayiga Soomaaliyeed. Taariikhda ayaa ina baraysa in marxalad kasta oo aad u cakiran xal loo heli karo hadii si cilmiyaysan looga fekero loona galo. Dadaaladaa  waxa ka dhalan doonta, idan Alle, in Somaliya noqoto meel nabadi ka jirto, hannaan dowladnimona ka hirgalo, soona jiidata maalgashi caalami oo lagu soo saaro khayraadka dahan ee Soomaaliya. Waxaan kaloo rajaynayaa in Soomaaliya aysan sii ahaan doonin meel adduunka qaxooti u dirta ee ay qayb weyn oo firfircoon  ka noqondoonto bahweynta caalamka, dadka Soomaaliyeedna ku noolaadan dhulkooda iyagoo diintooda iyo dadnimadoodu u dhowrantahay.



Mahmud Dahir Aweis

[email protected]

 

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR