Somaliland: Maya Maya Farmaajo noo imaan mayo

Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in aysan marnaba aqbali
doonin in madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu socdaal ku yimaado
Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta Khudbad
u jeediyay Baarlamanka maamulkiisa ayaa si rasmiya u caddeeyay in aysan ogolaan
doonin in Farmaajo socdaal ku yimaado Somaliland taasina ay tahay wax aan dhici
doonin.

Ma ogolaanayno in Farmaajo Somaliland yimaad. Maya Maya” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo khudbaddiisa kaga jawaabayay wararka sheegaya in Farmaajo socdaal ku tegi doono magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Balse madaxweynaha Somaliland waxa uu tilmaamay in uu aqbalay Raalli-gelintii madaxweyne Farmaajo ka bixiyay Xasuuqii Taliskii Jaalle Siyaad u gaystay Somaliland.

PUNTLAND POST

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR