Somaliland oo aqbashay Raalli-gelintii madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in uu
aqbalay Raalli-gelintii madaxweyne Farmaajo ka bixiyay Xasuuqii Taliskii Jaalle
Siyaad u gaystay gobollada Waqooyi Galbeed ee hadda la baxay Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland oo khudbad ka jeedinayay Baarlamanka
maamulkaasi ayaa sheegay in isaga ay arrin kedis ah ku ahayd Raalli-gelinta
madaxweyne Farmaajo balse uu u arko mid loo qaaday dhinaca Nabadda iyo
Iskaashiga islamarkaana uu ka guddoomay Raalli-gelintaas.

Laakiin madaxweyne Biixi waxa uu xusay in aysan is qaban Karin
Raalli-gelinta Farmaajo iyo haddana in uu yiraahdo waxaa socdaal ku tegayaa
Hargeysaa taasina ay tahay wax aan la aqbali Karin.

Farmaajo,waa ninkii u horreeyey horta,runtii waa arrin kedis igu hayd, raalligelintaasina waa mid loo qaaday dhinaca nabadda iyo iskaashiga, waa soodhaweynayaa, waan guddoomay, lakin isma qabato raalligelinta iyo Hargeysa ayuu imanayaa” ayuu yiri Biixi.

PUNTLAND POST

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR