Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis lagu fulinayo mashaariic kala duwan

Labada dhinac oo saxiixaya heshiiska

Dowladda Federaalka
Soomaaliya iyo dowladda ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis lagu  fulinayo mashaariic kala duwan oo uu ku baxayo
dhaqaale gaaraya 3 Milyan oo Euro.

Wasiirka Wasaaradda
Caafimadka Soomaaliya Fowsiiya Abiikar Nuur oo heshiiskani u matalaysay
xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dhaqaalahan iyo mashaariicda
kaleba ay Dowladda Talyaanigu ugu tala gashay in wax loogu qabto Caafimaadka
Dadka Soomaaliyeed.

Amb. Alberto Vecchi
Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay sii wadayaan
taageerada Caafimaadka oo ka koobnaan doonta kuwa Dowliga ah iyo kuwa gaarka
loo leeyahay.

“Waan sii wadi doonaa
taageerada dhinaca Caafimaadka ee Dadka Soomaaliyeed waxaana uga mahad
celinayaa Wasaaradda sida ay noola shaqeyneyso” ayuu yiri; Amb. Alberto Vecchi.

Dowladda Talyaaniga
ayaa Wasaaradda Caafimaadka ku wareejisay qalab loogu talagalay Hooyada iyo
Dhallaanka oo ka mid ah adeegyada uu Isbitaalka Martiini bixiyo.

Wasiir Fowsiya ayaa sheegtay in qalabkan uu wax badan kusoo kordhin doono Isbitaalka, iyadoo uga mahad celisay Dowladda Talyaaniga taageerada ay siiyaan bulshada Soomaaliyeed.

Soomaaliya iyo Talyaaniga xiriir qoto dheer ayaa ka dhaxeeya waana ku mahadsan yihiin taageerada dhinac walba ah, qalabkan wax badan ayuu ku kor dhin doonaa shaqada Isbitaalka iyo Dadka adeegga u baahan”ayay tiri Wariir; Fowziya.

Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay mamulka iyo Gacan ku haynta Ibitaalka MartiinI billoowgii Febraayo ee Sanadkaan, waxaana haatan adeegyo Caafimaad oo bilaasha ah uu u qabtaa Dad ka badan 40,000.

PUNTLAND POST


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR