Spanish Super Cup: Barcelona Oo Kuguulaysatay Koobkeedi ugu horreeyay ee xilli ciyaareedka cusub.

Kooxda Barcelona ayaa kuguulaysatay koobka Spanish Super Cup kadib guul diriqi ah oo ay kagaareen Sevilla.

Xidigaha Sevilla oo hogaanka uqabtay ciyaarta qaybteedi hore kadib gool uu daqiiqaddii 9-aad usaxixay xidigooda Paulo Sarabia.

Balse Barcelona ayaa Waxaa  goolka u barbareeyay Gerard Piqu kohor dhammaadka qaybtii hore ee ciyaarta kaas oo daqiiqaddii 42-aad shabaqa gaaray.

Markii dib la isugu soo laabtana Waxaa Barça guusha gool aad u qurux badnaa kusiiyay Ausmane Dembele oo daqiiqaddii 78-aad ciyaarta kadhigay 2-1.

Gool kulaad Sevilla loo dhigana daqiiqaddii 90-aad Waxaa kaqasaariyay Wasim Ben Yeder,  ciyaarta ayaana waqtigii loogu talagalay kusoo idlaatay 2-1 oo ay guushu kuraacday Barcelona.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR