Suuqa Xagaaga Oo Furnaan Doona Ilaa Bisha January & Coronavirus Oo Sabab U Ah

Suuqa Kala Iibsiga ayaa is badal lau samayn doonaa xagaaga sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka England

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in xidhiidhka kubada cagta Adduunka ee FIFA ka fikirayso in ay qorshe u samayso suuqa kala iibsiga xagaaga.

Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa lagu soo waramayaa in la dheerayn doono wakhtiga uu xidhmi doono suuqa kala iibsiga Xagaagu sabab la xidhiidha xanuunka Coronavirus.

Kubada cagta adduunka ayaa la joojiyay kadib markii uu xanuunku si xun ugu faafay adduunka iyada oo ilaa haatan aan la ogayn wakhtiga dib loo bilaabi doono kulamada.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay kooxaha yurub yeelan doonaan suuqii ugu dheeraa taariikhdooda marka laga hadlayo suuqa kala iibsiga xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Advertisements

Waxa la filayaa in uu suuqa kala iibsiga xagaagu furnaan doono ilaa bisha Janury ee sanadka 2021 sabab la xidhiidha xanuunka Coronavirus kaas oo saamayn ku yeelan doona suuqa.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR